Anigaa Hadhay Looma Hadlo W/Q Cabdiraxman Cadami

0
971

Magaalooyinka Dalka gaar ahaan Caasimada waxa lagu qabtaa xaflado aad u tiro badan oo leh u jeedooyin kala duwan, qaar rasmi ah oo lagu xuso munaasabadaha taariikhiga ah, furitaanka dhismayaal xafiisyo cusub ama mashaariic kale oo ay dawladu hirgelisay iyo kuwo aan rasmi ahayn sida xafladaha xisbiyada qaranka, ururada bulshada rayidka ah, madarasado ama dugsiyo  loo xidhayo ama loo furayo sanad dugsiyeed cusub, qalin jabin iyo kuwo kale oo loo sameeyo hudheelo iyo meherado casri ah oo ku soo biiray suuqyada ganacsiga.

Xafladahaa dhamaantood waxa ka soo qayb gala tiro wasiiro ah iyo madax kale xataa haddii ay tahay munaasabad aad u yar, waxa kale oo lagu casuumaa haldoorka qaybaha bulshada mararka qarkoodna waxa ka soo qayb gala madaxweynaha jamahuuriyada somliland ama ku xigeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxa ka hirgalay dhaqan cusub oo aan hore u jiri jirin oo ah in qof kasta oo xaflada ka soo xaadiraa ka hadlo: Madaxweynaha ama ku xigeenka hadba kii jooga, tiro wasiiro ah, Xildhibaano, xubnihii soo qabanqaabiyay ama iska lahaa, rag ku hadlaya magaca saddexda xisbi, Culimo awdiin, Suldaano, Odayaal iyo qaar kaloo badan.

Dhowr iyo labaatan qof oo hormoodkii ummada ah oo ka wada khudbadaynaya munaasibad kaliya iyo ujeedo kaliya maxay kala sheegayaan oo ay dadka u sheegayaan?  Hadalka haddii lagu celceliyo erayadii iyo weedhihii horaba loo yidhi wuxuu noqdaa booshaaq iyo war aan xiiso loo qabin, Dadkuna way ku caajisaan.

Odhaah baa tidhaahda ( The worst Sin in politics is to become boring) .

Somalilduna waxay tidhahdaa anigaa hadhay looma hadlo.

Masuuliyiinta xukuumada somliland qarkood waxay u haystaan in sharaftoodii iyo mansabka ay hayaan meel lagaga dhacay haddii aan looga yeedhin madasha si isagana markiisa loo dhagaysto sidaa daraadeed marar badan waxa la arkaa iyaga oo ka cadhooday ama ku dagaalamaya in mircofoonka loo dhiibo hase yeeshee macquul maaha loomana baahana tiro intaa leeg oo goob qudha iyo ajande qudha ka wada hadasha .

Madaxda Qaranku haddii aanay hayn war cusub oo loo sheego dadka ama aanay gudbinayn fariin inay iska aamusaan baa  u roon ( Speeches are useless unless the Speaker has  a  message).

Dhinaca kale bal u fiirso hab dhaqanka masuuliyiinta sarsare ee Xukuumada madaxweyne siilaanyo iyo meel ka dhaca hab-maamuuska dawladnimo’ Tusaale: Xafladihii lagu qabtay barxada Dekada iyo Xerada Haamaha Shidaalka Berbera waxa safafka hore oo dhan buuxiyay ama soo fadhiistay wasiiro iyo masuuliyiin tiradoodu kor u dhaaftay boqol iyo kontan oo Hargeysa ka soo hayaamay waxay kuraasidii ka riixeen ama ka boobeen oo dibada la dhigay dadweynihi Madaxweynuhu u yimid ee uu la hadli lahaa, waxay isku gedemeen madaxweynihii oo odayaashii reer Berbera waayeen meel ay u maraan  iyo dadkii magalada ee Madaxweynuhu la sheekaysan lahaa ama isaga u xaal warami lahaa,  Hada ogow ragana madaxweynaha daba guurayaa sidii shini caydh ah wasaaradihii iyo hay’adihii loo magacabay way soo xidheen.

Xil iskama saaraan shaqooyinkii loo igmaday mudnaanta waxa la siiyaa amaanta madaxweynaha iyo mar kasta inay ka muuqdaan hortiisa isaguna sidaa ayuu raali kaga yahay .

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

LEAVE A REPLY