“Aniga Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Waanu Shiraynaa. Ninkan Muuse Furihiisii Keena Waanu La’nahay Oo Furaba Malahee” Eng.Faysal Cali Waraabe

0
1272
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay ku guuldaraysatay inay dadka dalka midayso islamarkaana aanay weli daawo u helin dildilaacii ka dhashay doorashadii madaxtooyada.

Faysal oo hadal ka jeediyay caways ay isku arkeen siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga oo Hargeysa lagu qabtay, wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay uu ahaa inaanu xukuumadda Madaxweyne Biixi soo hadal qaadin boqolka maalmood ee u horeeya balse ay hadda u muuqato inaanu afka xidhan karin, waxaanu ugu horayn yidhi “Waxaan is lahaa ilaa maamulka Muuse uu gaadhayo 100 maalmood ha hadlin laakiin waxaan ka baqayaa in layslaba gaadhi waayaa, waydaan ogayne waan idiin sheegayaa inagu waynu kala qoqobanahay oo waxay daantaasi qabto idinku ma ogidin, waxaad qabtaana daantaasi ma oga, dil dilaacan muuqdaa waxa uu bilaabmay wakhtigii dalka la xoreeyay, khilaafkii SNM ee 1991-kii bilaabmay Cabdiraxmaan Axmed Cali AHN markuu sagaal bilood iyo toddoba iyo toban beri hayay xukunka SNM ayuu dalku xoroobay, dastuurka ayaa laba sano dhigaayay, labadii sanadood waa loo quudhi waayay oo waatii kabaha lagala baxay, dagaalka sokeeyana waakii Burco iyo Berbera ka dhacay, waatii Boorama la fadhiistay ee xalka la doonay ee uu soo baxay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.”

Faysal Cali waraabe oo hadalkiisa sii wataa kana hadlaaya xaaladda hadda ee dalka wuxuu yidhi “Doorashadii dhacday yaa ku soo baxay ? Kulmiye ayaa ku soo baxay, maanta yaa Kulmiye awooda haya? Maxamed Kaahin ayaa ku xigeen u ah Muuse Biixi dhanka xisbiga, labadooduba waxay ku suntan yihiin dagaalkii Cabdiraxmaan Tuur Lagu qaaday. Labadii xisbi may baarigin ee Waddani wali waxa uu leeyahay waa nala boobay oo waanu amaahinay ayuu leeyahay, waxa laga rabay inay dhisaan dawlad sal balaadhan oo dib u heshiisiin samaysa, dawlada ayaa looga joogaa inay dadka mideeyaan, dadkan waxa qabiilka ka ra’ra dawlada oo nidaam iyo cadaalad u samaysa intaasna iyaga ayaa looga fadhiyaa.”

Ugu dambayn wuxuu Faysal yidhi “Aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani dhawaan waanu shiraynaa sidan ay hadda u socoto hadaanan anagu qaban oo aanan ka hortagin dadkan qaylinayaa way na jiidhayaan, hadduu inankani [Madaxweyne Biixi] garan waayay inuu dalka mideeyo, inaanu nidhaahno fadhiista oo cadawgeenu maanta waa uu firfircoon yahay oo aanu anagu wada shaqayno si aanu shirkaasi u dhicin si aan dagaalkaasi u sii socon, sidii Somaliland loo midayn lahaa. Ninkan Muuse Biixi furihiisii keena waanu la’nahay oo furaba malahee.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here