AMISOM oo Shaaciyay in Soomaaliya ay isaga baxayaan Sannadka 2016-ka

0
994

Acting Special Envoy to Somalia LydiaKampala ,(HargeisaPress) —Madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Motende ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sannadka 2016-ka, iyadoo in howsha nabad-ilaalinta ah ee ay u joogaan Soomaaliya ay ku wareejin donaan ciidamada Somalia.

Lydia Wanyoto ayaa sheegtay in muddada ka harsan xilliga ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya laga doonayo dowladda Soomaaliya inay cidamadeeda xoojiso, si ay gacanta ugu qabtaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale, danjiraha Somalia ee Uganda, Sayid Axmed Daahir oo hadal siiyay wargeyska New Vision ee kasoo baxa Uganda ayaa xusay in 2016-ka ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya, isagoo dalalka ciidamada ugu deeqay Soomaaliya ku ammaanay howlihii ay qabteen muddadii ay joogeen.

“Ma jirin sannadihii lasoo dhaafay dagaallo waaweyn oo ka dhacayay, sidoo kale waxaan walaalahaya uga mahadcelinayaa taageeraadii ay na siiyeen. Hadda diyaar ayay dowladdu u tahay inay la wareegto maamulka dalka oo dhan. Waan soo dhaweynaynaa teegeerada dhinaca dhismaha ciidamada iyo tayeyntooda ee ay mar walba nala garab-taagan yihiin saaxiibbadeen, tanina waa mid aan u baahannahay si awood aan ugu yeelanno ilaalinta dalkeena,” ayu yiri Sayid Axmed.

Wanyoto ayaa iyaduna u sheegtay New Vision in xaaladda Soomaaliya ay ka soo hagaagayso sidii hore, balse ay jiraan jidgooyooyin, kuwaasna dhawaan lasoo afjari doono.

“Sida aanu qorsheynayno, waxaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka baxo sannadka 2016-ka; waxaana caddeynayaa inaan doonayno inaan xilligaa ka baxno Soomaaliya. Inta ka horreysa muddadaas waxaanu doonaynaa inaan Al-shabaab ka nadiifinno dalka oo dhan. Waxaan dhisi doonnaa awoodaha dowladda Soomaaliya, tanina waa geeddi-socodka aanu higsanayno,” ayay ku tiri Lydia.

Hadalkan ayay sheegeen Lydia iyo Sayid Axmed iyagoo ka hadlayay guusha ay AMISOM gaartay, xilli ay ka hadlayeen tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo la siinayay 30 sarkaal oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Soomaaliya, kaasoo ka dhacay hoteelka Munyonyo ee Kampala.

Sannadkii hore ayay ahayd markii golaha ammaanka ee Qaramada Midooaby isku raacay in la kordhiyo tirade ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia lana gaarsiiyo 22,000 oo askari, iyagoo isla xilligaas howlgalka gaarsiiyay illaa sannadka 2016-ka, ayna isku diyaariyaan inay isla sannadkaan Somalia ka baxaan.

“AMISOM waxay saraakiisha ciidamada Soomaaliya siisay saddex tababar oo ku saabsan howlaha ciidamada, waxaana xoogga lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha,” ayay hadalkeeda ku dartay Wanyoto.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas ku dartay in dhammaan howlahaas ay yihiin kuwo qayb ka ah diyaar-garowgooda ku aaddan inay Soomaaliya ka baxaan marka la gaaro sannadka 2016-ka oo ay dhacayso doorasho.

Wanyoto iyo Sayid Axmed ayaa sidoo kale New Vision u sheegay in dhibka ay qabaan saraakiisha Soomaalida ay tahay inay mar walba si dhaqso ah u hadlaan.

“Dhibaatadaas hadda waan xallinnay. Waxaana waxyaabihii la baray ka mid ah dagaalka, waa dad aad u dareen badan waana qaban karaan gabi ahaan howlaha loo tababaray, waxaana eegaynaa sida ay dalkooda inoogala wareegi doonaan,” ayay hadalkeeda kusoo gaba-gabeysay Lydia Wanyoto.

Si kasbata ha ahaatee, dowladda Somalia ayaan weli u muuqan mid awood u lhe inay dalka oo dhan ammaankiisa sugto, iyadoo kooxda Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro ka geystaan Muqdisho markii ay doonaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY