AMISOM oo Shaacisay in 75% ay ku Guuleysteen Howlgalladeeda Soomaaliya

0
821
Taliyaha AMISOM Jen. Silas Ntigurirwa
Taliyaha AMISOM Jen. Silas Ntigurirwa

Bujumbura,(HargeisaPress) — Ciidamada ururka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa sheegtay inay hadda 75% ay ku guuleysteen howlgalkooda Somalia tan iyo bishii February 2013-kii.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi oo uu hadda ku sugan yahay.

“Marka la eego howlgallada ay ciidamadeennu ka wadaan gudaha waddanka Soomaaliya iyo deegaannada aan kala wareegnay Al-shabaab, waxaanu dhihi karnaa in 75% aan ku guuleysannay howlgalka nabad ilaalinta ah ee aan Soomaaliya ka wadno laga soo billaabo bishii Feberaayo ee sannadkii hore 2013-ka,” ayuu yiri Jen. Ntigurirwa.

Sidoo kale, Jen Salis ayaa sheegay in howlgallada deegaannada badan looga saaray Al-shabaab ay ahaayeen kuwo inta badan looga qabsaday howlgalkii billowday bishii Feberaayo 2013-kii illaa bishii Maarso ee sannadkan.

Jen. Ntigurirwa ayaa intaas ku daray in wajiga labaad ee howlgalkooda oo ay ugu magac-dareen Badweynta Hindiya uu socon doono illaa bisha Oktoobar ee sannadkan, ayna rajeynayaan inay deegaannada ay Al-shabaab weli kaga sugan tahay Soomaaliya kala wareegaan.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa loo tababaray sidii ay mas’uuliyada dalkooda ula wareegi lahaayeen marka uu soo dhammaado howlgalka ay ka waddo AMISOM Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalka taliyaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka socda lixda waddan ay Al-shabaab kala wareegeen degmooyin iyo deegaanno ku yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here