Amaanka Magaalada Burco Oo Caawa Aad Loo Adkeeyey+Ciidamo Tiro Badan Oo Lasoo Dhoobay Wadooyinka

0
1300
Magaalada Burco

Burco , (HargeisaPress) — Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in amaanka guud ee magaalada Burco caawa si aada loo adkeeyey iyada oo wadooyinka iyo isgoysyada xaafadaha magaalada Burcona lasoo dhoobay ciidamo tiro badan.

Waxaana ciidamadan tirada badan ay baadhayaan gaadiidka maraya wadada iyaga oo sidoo kalena qabqabanaya dhalinyarada koox kooxda u wada socota ee jidgooyada dadka u gala intaasi kadibna baadha oo ka furta wax ay sitaan.

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in hawl gallkan adag ee ay caawa ciidamada booliska gobolka Togdheer ka bilaabeen magaalada Burco uu ka dambeeyey kadib markii ay xalay dhalinyaro laba kooxood ahi ay isku laayeen gudaha magaalada Burco intaasi kadib na uu dagaalkaasi dhex maray labada Kooxood ee dhalinyarada ah uu sababay sida naloo sheegay dhimashada hal qof oo wiil ah oo dhalinyaro ah isla markaana kamid ah dhalinyaradii dagaalamaysay kaas oo ay ku dhaceen Mindiyo.

Waxaana caawa ciidamada Boolisku ay qabanayaan  labadii dhalinyaro ah ee wada socotaba iyaga oo sidoo kalena si aada u baadhaya gaadiidka,waxaana ay ciidamadu gaaf wareegayaan isgoysyada iyo xaafadaha magaalada Burco.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in xaafado kamid ah magaalada Burco uu ilaa ka maqan yahay laydhkii kadib markii uu ka tagay galabta kaas oo ilaa hadda aan la garanayn waxa sababay in laydhku ilaa hadda uu maqnaado.

Gabagabadiina mudooyinkii u danbeeyey gudaha magaalada Burco ayaa waxa kusoo badanaye dhalinyaro koox koox u socota oo dagaalamaysa kuwaas oo ku hubaysan Baangado,budhadh iyo waliba Mindiyo iyo waliba dhalinyaro jidgooyo u gasha dadka kasoo caraaba suuqyada magaalada Burco.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here