ali Aareeyow Waysadaad la Da’a tahaye ma waxaad isku haysataa saqiir aan waba laga qorayn,

0
955

maqaalAsalaama calaykum dhamaan bulshawaynta reer Somaliland, waxaan maalmahan danbe aan arkaayay xildhibaano aad is odhanayso malaha magaca xildhibaanimo oo kaliya ayay sitaan, oo ma sitaanba aqligii iyo waxgaradnimadii lagu yaqaanay xildhibaanimada.

Xildhibaanku kuma yimaado xukumada magacaabta ama wasiir magacaaba balse waxay ku yimaadeen waaa codkii iyo dadkii doortay, ayay kursigoodii ku fadhiyaaan xildhibaan maaha in aad kursigii lagu saaray inaad ku caydo madaxda qaranka , mise waxaaad tahay cali aareeyow marba dhinicii kugu danbeeya  maalin dhawaydna waxaan maqlaayay  xidhibaan aareeye oo leh .

waxaan ahay xildhibaan ‪#‎aareeye waxaanan ictiqaaday FAAL wuxuuna yidhi , waan faaliyey, oo siilaanyo waxba u hagaagi maayaan markaa, tallow  xidhibaan ma ilaahay ayaad uga timid  madaxwayne silanyo, maalinta ay caleentiisu qalasho ayuu dhimanayaa  hadiiuu faalkaagaasi shaqaynayona, waala arki lakin madaxwayne silanyo waxa uu qabtay indhihii fayoobi way arkayaan dalka halka uu gaadhsiiyay , ee waxan ku leeyahay  DIINTEENA suubani ma ogola faal iyo wax la mid ah.

Gabagabadii waxaan leeyahay xildhibaan aareeye iyo kuwa la mid ka ah , cayda iyo aflagaadada joojiya oo wixii qaldan idina dhankiina ha ka gaabininee wax ka saxa , ee ma aha in aad marba dhinac inta lagaaa soo gujiyo inaad madaxda dalka aad caydo kaamana geeyaane caday joojiye , wali saqiirkii  dabiga laga dhaafayay maad gaadhine danbiyada iyo cayda waa laguu qorayaaa waanan lagaaga xisaabtamiye sharaftaada waxy ku jirtaa inaad inaad hadal masuuliyadeed aad ku hadalsho .

 

ALLAA MAHAD LEH

Deeqa.luulacaday@gmail.com

Deeqa jaamac

 

Australia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here