Al-shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii galabta Magaalada Boosaaso ka dhacay

0
1009

Al-Shabaab fightersBoosaaso,(HargeisaPress) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa khasaare badanna geystey oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab, ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah oo galabta ay magaalada Boosaaso ka fuliyeen ay ku dileen Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/raxmaan Cali Xuseen Muslim.

“Holwgal guulaystay ayay mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Boosaaso waxayna ku dileen saraakiil uu kamid ahaa taliyihii booliska Bari ugu magacawnaa maamulka ridada[Puntland]…Ilaah ayaa ku mahadsan mujaahidiinta u fududeeyay howlgalkaas”ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Abu Muscab oo sharaxayey sababta ay Kol. Muslim u bartilmaameedsadeen ayaa sheegay in uu ahaa nin dhibaato ku haya umadda Muslimka ah ee ku dhaqan gobolka Bari, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaraxa galabta Boosaaso ka dhacay oo ahaa mid aad u xooggan waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday taliyaha geeriyoodey iyo ilaaladiisa xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta Taliska Booliska ee gobolka Bari.

Waa qaraxii saddexaad ee ismiidaamin ah ee ka dhaca magaalada Boosaaso oo iyadu ah magaalada ugu weyn uguna dadka badan guud ahaan deegaanada Puntland. Bishii December ee sannadkii hore weerar ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland waxaa ku geeriyoodey sagaal qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here