Ajanabigii ka mudnaaday muwaadinka Qallinkii: Barkhad-Ladiif M.Cumar

0
1143

“Sheekadan wada akhri si dareen wadaniyadeed u dareento waa hubaal in qalbigaagu wax iska bedeli hadii dhiig islaanimo kugu jiro”

Barkhad-Ladiif M.Cumar

Goobtu waa Cisbitaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta dhalaanka iyo hooyadda, waxa soo gashay hooyo sidatay ilmo yar oo aad u ooyeysa oo qaylinaysa oo haraga iyo saantuba  isku dhigay, muuqaalka hooyadda iyo ilmaheeddaba indhaha ma siin kartid duruufta iyo waayaha ka muuqda, waxa ay soo dul istaagtay dhakhtarkii  shaqadda ku qornaa, markiiba waxa uu u sheegay in kaadh soo goosato, haseyeeshee iska daa kaadh ay goosatee xiitaa mahaysato kiniinka loo qori doono wax ay ku iibsato, waxay hooyadii ku dooday “hooyo lacag ma haysto, ilmahana aad buu u xanuunsanayaa, aabaheedna waa askari jooga jiida hore.”

Dhakhtarkii waxa uu u tilmaamay inay maamulka cisbitaalka usoo bandhigto inuu ka aqbalo iyo in kale, maadaama oo aanu awood u lahayn inuu bilaash ku daweeyo, nasiib daro inta ay noqnoqonayso hooyadan oo kolba ay xafiis raadinayso wakhtiguba kuma sugayo, waxay wadataa ilmo yar oo shubmaya xaaladeedda caafimaadna aad u adag tahay, inta badan hooyooyinka aan waxba haysan ama awoodi Karin dhakhtarka way ku adagtahay inay dhakhtarka keento, haseyeeshee qof qof baa marka ilmuhu aad u xanuunsaday ku calool adaygaya oo ku bakhtiyaa nasiibinaya in kolay wax loo qaban lahaa hadii ay cisbitaalka dawladda geyn lahayd, maadaama oo cisbitaalka guud yahay kii dhaqaalaha dawladu ku baxayey.

Daqiiqado kooban intii hooyadan muwaadinka ah cisbitaalka dhex taagnayd  waxa soo gashay hooyo ajanabi ah oo reer Itoobiya ah gaar ahaan Oromo, ilmaha ay wadato iyo iyaduba xanuun iyo diif xanuun midkoona kama muuqdo, waxay u gashay dhakhtarkii, markii uu eegay markiiba dawooyinbaa loo qoray wax  lacag ah oo ay bixinaysana maan arag intii aan meesha joogay, waxaaan waydiiyey dhakhtarkii sababta hooyadan Ajanabiga ah sida wanaagsan loogu shaqeeyey iyadoo aan lacag bixin ama la waydiin, waxa uu dhakhtarkii markiiba igu jawaabay inay Hooyadan Itoobiyaanku sidato waraaq dawooyinkeeda, baadhitaankeeda iyo wixii ku baxayaba la bixinayo, waxaana waraaqda ka sidataa hay’adda UNHCR wixii kharash ah ee ku baxaya iyada lama qaadayo ee Hay’adda bixinaya cisbitaalkuna wuu ku dalacanayaa, marka hadii madax xanuun dareento si fudud bay baadhitaankeeda caafimaad u maraysa.

Waxaan waydiiyey bal ka waran hooyadan tabcaanka ah ee ilmuhu ka xanuunsayo ee ilmaha ay sidato aabaheed difaaca dalka ku maqan yahay, waxa uu igu jawaabay in isaga laftiisuba dhibaatada haysata la dareemayo,haseyeeshee uu cisbitaalka shaqaale ka yahay oo aanu nidaamka jira waxba ka bedeli Karin, balse uu kaliya awoodo inuu u tilmaamo cida wax ka qaban karta baahiyadeeda oo ah maamulka cisbitaalka, kaasi oo diidi kara ama ogolaan kara in bilaash lagu daweeyo, wuxuu ii sheegay in mararka qaar uu isku ciil kaambiyo marka uu arko hooyo sidan oo kale u tabcaan ah oo aanu waxba u qaban Karin iyo qof kale oo Ajanabi ah oo waraaq yar sidatana si fiican loogu shaqaynayo ay si weyn u damaqdo naftiisa.

Waa la awoodda:

————–

Dawladu way awooddaa in hooyada werwersan ee aabihii dhalayna jiida hore joogo ee boqolka doolar wax ka yar mushaharka loo siinayo, ubadkiisuna aanu haysan daryeel caafmaad iyo daryeel waxbarasho, hadii mushaharka la siiyo ilmaha la is yidhaahdo ku daweena kuma filna, hooyo Ajanabi ahna waraaq hay’adood oo ay sidato wax walba loogu dhameeyey, miyeyna awoodin in askari kasta qoyskiisa waraaq caafimaad oo bilaash ah la siiyo si aanu uga warwarin ubadkiisa.

Waad aragtaan dawladda waxa baabuur qaali ah ee ay madaxdu wadato, iyadoo ubadkii iyo dhalaankii dalkuna noloshaa ku nool yahay, maanta ninka madax u ah dadka noocaas ah ee xil usoo doontay maradiisa way ku oloshay oo waa wax if iyo aakhiraba alla kula xisaabtami doonno, inta waxaas oo baabuur ah waliba nooca ugu qaalisan oo shiidaalka ugu badana ku baxayso wadanka dhexdiisa lagu wadanayo waxa ka haboon inta la xaraasho oo baabuur qiimo dhex dhexaad ah oo jaban lama waayina la soo iibsado, kuwana danyartaasi waliba ka xishoonaysa inay cid barido lagu daryeelo oo cashuurtooda loo tashiilo qofba qofka uu ka sareeyo la xisaabtamo oo laga fikiro caruurtaasi askarta in caafimaadkooda iyo waxbarashooda meel la iska dhigo, qoys kasta waraaq  caafimaad oo bilaash ah la siiyo oo cisbitaalka ay u tagtaba ku tixgaliyo waraaqdaasi, waayo askari waa shakhsiga kaliya ee wadankeena saacaadihiisa si fiican u wada shaqeeya, halka shaqaalaha dawlada ee kale marka la isku soo ururiyo sadex saacadood aanay ka badnayn inta ay shaqaynayaan, laakin askarigu habeenkii ma seexdo inta aynu raaxaysanayno oo dhaxantaasi buu ina waardiyeynaya, maalintiina ma hadh galo oo qaraxdaasi ayuu taagan yahay si aynu nabad iyo farxad ugu dhex shaqaysan lahayn.

Aynu daryeelno askarteena oo madax ilaa mijo aynu taageerno ubadkooda si ay shaqadooda warwar la’aan u gudan karaan.

WQ:Barkhad-Ladiif M.Cumar, Em:barkhadladiif@hotmail.com.

LEAVE A REPLY