Agaasimaha Wasaarada Shaqo Gelinta Oo Furay Kulan Ku Saabsan Xeerka Xuquuqda Caruurta

0
894

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda  shaqogelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku qabatay kulan ku saabsan xeerka ilaalinta xaquuqda caruurta yar yar.

Kulankaasi oo noqonaya kii labaad oo ay qabato wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda  waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase), oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankani uu daba socdo kulamo ay hore  u soo qabteen.

Isagoo na xusay in u jeedadda laga leeyahay kulankaasi ay tahay sidii loo  naaqishi lahaa xeerka ilaainta xaquuqda caruurta, isla markaana tallooyin wax ku ool ah loo heli lahaa ka hor inta aan la hor gaynin goleyaasha sharci dejinta.

Maxamed Ilkacase, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xeerkani waa xeerkii xaquuqda caruurta, muddo badan na ay soo socotay hawshiisu in aynu ka shaqayno.

Kadib na wasiirrada ay wasaaradahoodda khusayso ay isaga yimaadeen, iyadoo la isla qaatay in dadka farsamoyaqaanadda ah ee wasaaradaha ay khusayo in ay si qoto dheer u akhriyaan xeerkaasi.

Taasoo macnaheedu tahay in aynu qodob-qodob u dul-istaagno, oo wixii talladiina ah, wixii tusaalihii na ah, ka hor inta aanu marin hay’adaha sharciga, ta aynu maanta  isiugu nimid waa taas”.

Waxa kaloo uu ka warbixyay agaasimaha guud dhibaatooyinka iyo duruufaha kala gedisan ee haysta caruurta yar yar ee darbi-jiifka ah iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in la hello xeerkii lagu daryeeli lahaa xquuqdooda na lagu ilaalin lahaa.

“Waa dog tihiin duruufta ay caruurteenu ku sugan tahay, oo caruurta derbi-jiifka ah ee suuqyadda joogta dhibaato badan ayay qabaan.  Way fara badan yihiin dhibaatooyinka caruurteena haysta ee miyi iyo magaalaba ka jira.

Waxyaabahaas oo dhan ee duruuf ah ayay tahay xeerarkii xakamayn lahaa, ee islaamka iyo dhaqankeena iyo shuruucdeena waafaqsanaa, in ay salka u dhigno.

Tusaale ahaan waxyaabaha ugu adag waxaa ka mid ah oo qabadaha jira ka mid, ilmaha caruurta ah ee suuqa ku dayacan ee waalidkiisu na miyiga joogaan, maxay diinta islaamku ka qabtaa? Ama maxaa xeerkeenu ka qabaa” ayuu yidhi agaasime Ilkacase.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Filsan Xuseen Khaliif, ayaa sharaxaad ka bixisay u jeedadda kulankaasi iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo amreen soo diyaarinta xeerka ilaalinta xaquuqda caruurta.

Filsan Xuseen Khaliif, oo ka hadlaysay kulanka iyo waxa uu daaran yahay waxay tidhi “Kulankeenani wuxuu daaran yahay ama uu daba socdaa, kulan hore aanu u qabanay, oo ay ka qayb galeen wasiirro. Si la iskula eego xeerka caruurta.

Waxaanan ka codsanay wasiirrada in ay  noo masuuliyiinta waaxyaha farsamadda ee shaqadda gacanta ku haya, si ay u akhriyaan oo xeerkan loo dul istaago oo qodob-qodob loogu eego.

Qolooyinka kale ee ka socda daneeyeyaasha arrimaha xaquuqda caruurta ee inala jooga, iyaga na waanu uga mahad celinaynaa ka soo qayb galkoodda. Waxaanan leenahay aan dul-istaagno oo aynu isla eegno”.

Geesta kale waxaa kulankaasi hadallo ka jeediyay masuuliyiin  ka socday  hay’adaha iyo ururadda daneeya am aka shaqeeya arrimaha xaquuqda caruurta, kuwaasoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la isla qiimeeyo xeerka xaquuqda caruuurta yar yar.

Waxaanay uga mahad celiyeen wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda wakhtiga badan iyo dedaalka ay gelisay sidii loo heli lahaa xeer ilaalinaya xaquuqda ay leeyihiin caruurta yar yar oo ah mustaqbalkii ummada.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here