Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska + SAWIRRO

0
940

Hargeysa,(HargeisaPress) — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska.

Kulankan uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu  la yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Igiriiska iyo saraakiil ka socday safaaradaha   Ingiriiska u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Kenya,  waxa ku wehelinayey Agaasime waaxeedyada  Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kulankaas kadib  sheegay inay ka wada hadleen dardar galinta iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu tilmaamay inay si gaar ah ugala hadleen   wada shaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta JSL iyo xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, waxa uu u mahad celiyey dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inay gacan ka geysatay diyaarinta qabyo qoraalka xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana ay taageero farsamo iyo  tabobaro kala duwan  ay siisay Waaxda isgaadhsiinta iyo xidhiidhka ee Qaranka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here