Agaasimaha Waaxda Arrimaha D/Hoose Ee Hargaysa Oo Ka Warbixiyay Badeecado Dhacay Oo Ay Soo Qabteen

0
1098

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hawl-gal ay degmooyinka caasimadda  ka sameeyeen  waaxda arrimaha bulshadda iyo fayo-dhawrka    dawladda hoose ee Hargaysa waxay ku soo qab-qabteen   badeecado kala duwan oo dhacay, kuwaasi oo isugu jira cuntooyin iyo daawooyin.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo fayo-dhawr ee dawladda hoose Khadar  yuusuf Cali, oo  maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyay noocyadda badeecadaha dhacay ee ay soo qabteen.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda dawladda hoose waxa  uu  sheegay in hawl-galadaasi ay ku beegsanayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen meheradaha ganacsi ee iibiya raashinka iyo daawooyinka dkacay iyo sidoo kale  badeecado laga mamnuucay ka ganacsigooda oo ay ka mid yihiin Bacaha.

Isagoo arrimahaasi ka ahdlayayna waxa uu  yidhi “Hawl-gal balaadhan oo ay  caasimadda  ka sameeyeen dawladda hoose ee Hargaysa, gaar ahaana waaxda arrimaha bulshadda oo aanu sanadkan horaantiisii bilawnay, muddo saddex bilood iyo dheeraad ahna ka socday caasimadda.  Ololahaasi shaqo, waxaanu ku beegsanaynay  in  aanu wax kaga qabano  arrimaha fayo-dhawrka gar ahaana in aan dadka laga iibin badeecadaha dhacay,  sidoo kale Bacaha oo lagu mamnuucay digreetadii uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray sanadkii 2015-kii”.

“Hawl-galadaasi  is-daba jooga ah ee aanu samaynay waxaanu u dirnay kooxo tababaran oo lix kooxood ka kooban, anagoo u  samaynay jadwal ay kaga hawl-gelayeen degmooyinka caasimadda oo dhan ay baadhitaano kaga fulinayeen” ayuu yidhi agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose.

Khadar  yuusuf Cali,  waxa uu sheegay in ay hawl-galkaasi bilaabeen horaantii sanadkan isla markaana ay muddo saddex bilood ah ka wadeen degmooyinka caasimadda, isagoo xusay in ay mudadaasi ku guulaysteen  noocyo kala duwan oo badeecado dhacay aha.

Waxaanu yidhi “Ololahaasi baadhitaan waxaanu soo bilawnay bishii February ee sanadkan. Waxaananu ku guulaysanay in aanu gacanta ku soo dhigno  badeecado dhacay oo isugu jira  Daawooyin, sharaab dhacay, cuntooyin dhacay iyo waxyaabo kale”.

Geesta kale agaasimaah arrimaha bulshadda dawladda hoose waxa uu sheegay in la gubi doono dhamaanba badeecooyinkaasi dhacay ee ay soo qabteen oo gaadhaya boqolaal tan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY