Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo ka Qaybgalay Shir Lagu Qabtay Tanzania

0
1030

Mwanza, (HargeisaPress) –Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay  Mwanza  oo ku taalla harada Victoria ee dalka Tanzania, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen baanka adduunka iyo dowladda Tanzania.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen in ka badan 200 oo ergay oo kala yimmi ilaa 40 dal oo Afrikaan ah iyo 20 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya  tiknoolajiyadda (artificial intelligent).

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cumar sayid Cabdilahi Aadan ayaa ka qayb galay shirkaas oo soconaya muddo saddex maalmood ah.

Kulanka shirkan  oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeega gaadiidka guud ahaan qaarada afrika ,sida wadooyinka, gaadiidka bada, iyo gaadiidka cirkaba gaar ahaan, adeega loo yaqaano diyaaradaha aan cidna wadin ama    (Drones ) oo la tijaabinayo in qaaradu markii ugu horraysay ay uga faa’iidaysato in baddeecad  ahaan loogu gudbiyo tuulooyinka fog fog ee aan waddooyinku tagin, iyada oo loo istimcaalayo isu gudbinta dawooyinka, cuntada fudud, caawimada deg deg ah , xog ururinta (data collection and surveillance) iyo wixi la mid ah.

Waxa shirka furay Wasiir ku xigeenka Wasaarada gaadiiidka ee dalka Tanzania Eng  Atashasta Nditiye , waxa sidoo kale hadalo muhiim ah ka jeediyey madasha agaasimaha guud ee haya’dda duulimaadyada waddanka Tanzania ( TCAA),  Mr  Hamza Johari , Duqa magaalada Mwanza John Mongella , safiirka switzerland u fadhiya waddanka Tanzania,  Arthur Mattli madaxa baanka adduunka ee dalalka  Tanzania, Malawi,Burundi iyo Somaliland/Somalia Ms. Bella Bird , saraakiil ka socotay hay’adda ICAO.

Ugu dambayn, waxa la isku raacay in qaarada afrika  iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka oo baanka aduunku ugu horeeyo, in awooda la saaro horumarinta gaadiidka iyo  dhismaha wadooyinka iyo isku xidhka qaarada guud ahaan.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY