Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Oo Ka Warbixiyay Qoshaha Wasaaradda Ee Sannadka 2015

0
1055

Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa ayaa ka warramay qorshahooda ugu weyn sannadka 2015-ka.

Waxa uu sheegay agaasimuhu inay qaban doonaan tartan kubadda cagta ah oo ay ku kulmi doonaan kooxaha heerka koowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad ee ka jira magaalada Hargeisa.

Maxamed Xuseen dhabbeeye oo shalay u warramayay HargeisaPress.com ayaa waxa uu tilmaamay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u tayayn lahaayeen ciyaaraha Somaliland, isla markaana ay soo saari doonaan garsooreyaal aqoon u  leh ciyaaraha, si tartamada dalka mustawahoodu ula  mid noqdaan kuwa caalamka.

Agaasimaha guud oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa qorshaha noogu jira inaanu qabano oo markii u horeysay taariikhda Somaliland ah tartan ay ku kulmi doonaan kooxaha heerka koowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad oo sida caalamka ah oo labada ugu hooseeya ay ku noqdaan xaga dambe labada ugu sareeyaana xaga sare galaan, waana sida ay adduunyada ku aqoonsato in waddankaas uu ka jiro dhaqdhaqaaq ciyaaro ah, gaar ahaan kubadda cagta, koleyga iyo buulkana waanu hirgalinaynaa tartannadooda.”

Agaasime Dhabbeeye waxa kale oo uu tilmaamay inay tayayn doonaan garsooreyaasha xirfadooda iyo aqoontooda, “Arrinta labaad ee noo qorsheysan ee aanu doonayno inaanu qabano waxa weeye oo aanu xooga saarnaynaa waa sidii loo dhisi lahaa ciyaartoyga iyo garsooreyaasha sannadka soo socda, si aanu usoo saarno dhalinyaro Somaliland ah oo ka dhisan dhinacyada kubadda koleyga, buulka, kubadda cagta iyo hadday tahay orodkaba, waxa kale oo aanu soo saaraynaa tabobareyaal aqoon fiican leh oo tayadoodu aad u sarayso.” ayuu yidhi agaasimuhu.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here