Agaasimaha Cusub Ee Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Oo Xilka La Wareegay

0
1043

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta xilka u kala wareejiyay agaasimaha cusub ee cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Yaasiin Carab Cabdi, iyo agaasimihii hore Dr. Axmed Cumar Askar.

Munaasibadda xil wareejinta oo  ka qabsoontay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Waxa kaloo xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka socday guddiga cusbitaalka guud ee Hargaysa, masuuliyiin ka socday ururka dhakhaatiirta cusbitaalka guud ee Hargaysa iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland C/naasir Cumar Jaamac, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi xil wareejinta ayaa ku amaanay agaasimihii hore ee cusbitaalka Hargaysa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu shaqadda u soo gutay iyo mudadda dheer ee uu ka soo shaqaynayay adeegyadda caafimaadka Somaliland.

Waxaanu intaas raaciyay in Dr. Cumar Askar uu yahay shaqsi in ka badan 40 sanadood dalkiisa u soo shaqeeyay, isla markaana uu yahay shaqsi aan laga maarmi Karin khibradiisa  imikana aanu xarumaha caafimaadka ka fogaan doonin.

Waxaanu yidhi “Dr. Axmed Cumar Askar, wuu dalacayaa, oo madaxweynaha qaranka ayaa inoo sheegay. Khibradiisa iyo waayo-aragnimadiisa qaranku wuu u baahan yahay, adeegga caafimaadkana ka fogaan maayo. Madaxweynaha ayaan ka sugaynaa halka uu u dalacsiiyo.

Waxaanu mar labaad uga mahad celinayaa mudadii dheerayd ee 40-kii sanadood ee u danbeeyay ahayd, dedaalkii uu geliyay adeegyadda caafimaadka ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland.”

Agaasimihii hore ee cusbitaalka Hargaysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu cusbitaalka ka madaxda ahaa, isagoona ku taliyay in qalabka lagu shaqeeyo ee cusbitaalka wax laga qabto.

“Waxaan ku talinayaa in qalabka hawsha lagu fuliyo ee cusbitaalka wax laga qabto. Waxaanan rejaynayaa in agaasimaha cusub uu ka hawl geli doono, wasaaradda caafimaadkuna gacan ka siin doonto.

Waxaa inoo soo socda Waadhkii Umulaha oo imika la dhisyo, waadhadhkii kale-na way shaqeeyaan. Qaybta bukaan-socodka (outpoint) oo aanu ku darnay 12 qol-na, qalabkii wuu yaalaa, in la furo ayuun baa la sugayaa”ayuu yidhi Dr. Cumar Askar.

Waxaa isna halkaas ka hadlay agaasimaha cusub ee cusbitaalka guud ee Hargaysa loo magacaabay Dr. Yaasiin Carab Cabdi, waxaanu sheegay in aanu ku cusbayn xilka agaasimenimo ee cusbitaalka Hargaysa, balse uu muddo dheer hore madax ka ahaa.

Waxaanu tilmaamay inuu waayo-aragnimo u leeyahay baaxadda hawsha meesha taalla, isla markaana aanu marnaba ku fikirin in uu mar kale xilkan qabto.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Duco ayuun baa ii haboon, siyaasi-na noqon maayo, oo inta aan Farta taago odhan maayo waxaas iyo waxaas ayaan qabanayaa. Waayo? Meesha iga horaysa ayaan aqaanaa,  oo sideed sanadood ayaan joogay.

Maalinna kumaan seexan, maskaxdayna ma gelinin in aan ku soo noqon doono. Laakiin, waxay ahayd wax xagga ALLE ka qoran. Sidii Dr. Faadumo iyo Dr. Askar-ba ay yidhaahdeen, mushkiladda ina haysataa waxa weeye, koobka inta madhan ayaynu mar walba eegnaa”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye,  oo munaasibadda xil wareejinta  ka hadlay ayaa  sheegay in iyadoon Somaliland weli la ictiraafin in hadana adeegyadda caafimaad ee uu bixiyo cusbitaalka guud ee Hargaysa ay u dhigmaan kuwa dalalka la aqoonsan yahay ee Somaliland la deriska ah.

Waxaanu yidhi “Dhibaato ayaa meel walba ka jirta, xataa wadamadda caalamka ee la aqoonsan yahay. Inaguna (Somaliland) sidaas ayaynu u nahay wadan aan weli la aqoonsan, oo soo koraya.

Hada-na marka aad eegto cusbitaalka guud ee Hargaysa adeegyadda uu bixiyo iyo wadamadda kale ee jaarkeena cusbitaaladoodda guud, wax sidaas u weyn oo ay ku kala duwan yihiin ma jiro. Sida Dr. Yaasiin Carab sheegay-na wax weyn oo soo kordhayaa ma jiro.”

Geesta kale xubno ka socday guddiga cusbitaalka guud ee Hargaysa iyo  ururka dhakhaatiirta cusbitaalka guud ee Hargaysa waxaanay xubnahaasi dhamaantoodba hawl-karnimadiisa shaqo ku amaaneen agaasihii hore ee cusbitaalka Hargaysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here