Affar Qof oo ku Dhaawacmay Gaadhi weyn oo Maanta ku dhacay Dalcada Xaafada Idaacada.+ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Ka Hawlgalay Shilkaas.

0
1227

Hargeysa , (HargeisaPress) —Waxaa Maanta markay goor sheegtu ahayd 1:39PM ciidanka Dab-demisku ka hawl galeen gaadhi ku dhacay silimoogii hore ee Hargeysa [ Hargeisa National Cinema] , gaadhiga oo noociisu ahaa nooca xamuulka ah.

Gaadhigan ayaa ka soo daadagayay dalcada sare ee idaacada waxaana gaadhigani uu sidday alaab nooceedu ahaa Qalabka Dhismaha guryaha lagu dhiso kuwaasi oo u badnaa looxa guryaha.

Shilkan Gaadhi ayaa Waxaa uu sababay dhaawaca afar qof oo ka mid ah dadkii la socday gaadhiga waxaana Afarta dhaawaca ah saddex ka mid ah dhawaacoodu sahlan yahay halka mid ka mid ah dhaawaciisu culus yahay oo ilaa haatan lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad qaybta gurmadka deg dega ah Cisbitaalka weyn ee hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ka hawlgalay dhaawacaasi, waxaana ciidanku ka soo saaray dhaawaca gaadhiga, isla markaan markii dambena gaadhsiiyay Cusbitalka weyn ee Magaalda Caasimada Hargeysa.

Dhanka kale waxaa iyaguna hawlgalkaa qayb ka ahaa Laamaha Amaanka Caasimada Hargeysa.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu wacyigelin guud u dirayaa dhamaan wadayaasha gaadiidka waaweyn iyo kuwa yaryarba in ay ka taxadaraan dhibkasta
oo soo gaadhi karta gaadiidka iyo dadwaynaha.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL
Hargeysa/Somaliland./Head Quater
Emergency Call: 990/ Hargeisa/Buroa/Gabiley/Wajale/Borama.
Somalilandfire@gmail.com
Facebook/WarbaahintaCiidanka Dab-demiska./ twitter/Skype.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here