Addis Ababa: 50 Qof Oo Ku Dhintay Qashin Buuro Noqday Oo Guryahooda Ku Soo Dumay + SAWIRRO

0
1089

ADDIS ABABA, Ethiopia(HargeisaPress) — Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay qashin qub sida buuraha noqday oo dusha ka maray guryo ku yaalla duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.

In this Sunday, March 12, 2017 photo, residents look on as rescue efforts take place at the scene of a garbage landslide, on the outskirts of the capital Addis Ababa, in Ethiopia. A mountain of trash gave way in a massive garbage dump on the outskirts of Ethiopia’s capital, killing dozens and leaving more missing, residents said. (AP Photo/Mulugeta Ayene)

Waxaa kale oo ay sheegeen in weli la la’yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku habsaday dadka Sabtidii, dadka deegeenku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.

An excavator aids rescue efforts at the scene of a garbage landslide on the outskirts of the capital Addis Ababa, Ethiopia, Sunday, March 12, 2017. A mountain of trash gave way in a massive garbage dump on the outskirts of Ethiopia’s capital, killing at least 46 people and leaving several dozen missing. (AP Photo/Elias Meseret)

Qashinka oo aad u badnaa ayaa aasay guro halkaas ka dhisnaa oo macmal ah, Goobtaas ayaa qashinka magaalada Addis Ababa lagu daadinayay muddo 50 sano ka badan.

Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY