Abwaano iyo Fanaaniin Ka Sheekeeyay Taariikhdii Abwaan Singub

0
1496

Jig-jiga (Hargeisa Press.com): Waxaa doraad magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya lagu aasay ALLE ha u naxariistee marxuum/abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub), oo kaalin weyn ku lahaa fanka Soomaalida.

Abwaan Singub, oo muddo dheer fanka ku soo jiray ayaa curiyay riwaayo iyo heeso aad u fara badan, isla markaana ka mida kuwa ay ugu jecel yihiin dhegaysigoodda dadka Soomaaliyeed.

Waxaana aaska marxuumka ka qayb galay siyaasiyiin, masuuliyiin, abwaano iyo fanaaniin caan ka ah geyiga Soomaalida oo ay muddo badan soo wada shaqeeyeen abwaan Singub.

Hadaba waxaa taariikhda faneed iyo mida shaqsiyadeed ee ALLE ha u naxariistee abwaan Singub, ka sheekeeyay abwaan Maxamed Aadan Dacar, fanaanadda Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma), fanaanka Cumar Xasan Rooraaye, macalin Siciid Saalax Axmed iyo Cabdilaahi Axmed Dafe, oo ah jilaa.

Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Taariikhda Faneed ee Abwaan Singub:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY