Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) Oo maanta aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Jigjiga +SAWIRRO

0
1505

Jigjiga, (HargeisaPress) —Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa aas qaran loogu sameeyey abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Aaska abwaan Sangub loogu sameeyey magaalada Jigjiga ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday dawlada deegaanka, dawladaha Somaliland,Djibouti  iyo soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar , wasiirka biyaha somaliland Saleebaan Cali Koore, xildhibaano, abwaano iyo dadweyne kale oo hadalo ka jeediyey xabaasha marxuun Sangub ayaa ka waramay qiimaha uu abwaanku ku dhex lahaa dadka afka soomaaliga ku hadla.

Sidoo kale dad ay ka mid ahaayeen abwaan Cabdi qays, abwaan Siciid Saalax, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Xasan Rooraaye, Khadra Daahir Cige, Nakruuma, Daa,uud Cali Masxaf, Abwaan Laabsaalax, xubno ka mid ah qoyska marxuun abwaan Sangub iyo xubno kale ayaa ka hadlay aaska marxuunka kuwaas oo ka waramay shakhsiyadiisii.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here