Abaalmarin Qaran Ayay Mudan Yihiin Xafiiska Imtixaanaadku

0
781
Mowliid Aadan Cumar PHOTO FILE

Madaxweynaha iyo wasiirkiisa waxbarashada waxa aan u soo jeedin lahaa saddex qodob oo kor-u-qaadaya tayada waxbarashada aasaasiga ah ee waxbarashada dugsiyada dawladda.

Mudane madaxweyne, adigoo ahmiyada siinaya shacabka Somaliland oo boqolkiiba sagaashan (90%) shaqo la’aan ah, waxaan kuu soo jeeedin lahaa in hoos loo eego hirgelinta saddexdan qodob:

 

  1. Mudane madaxweyne, waxa aan kugu dhiirigalinyaa wakhti xileedkaaga ku darsato in lacag la’aan laga dhigo Dhammaan waxbarashada dugsiyada dawladdu maamusho, iyadoo la dhiirigalinayo shacabka danyarta ah iyo ciidamada qaranka, waxa lama huraan ah in kor loo qaado tayada waxbarshada. Waxa sharaf iyo qiimayn waxqabad kuu noqonaysa in xukuumadaadu, gaar ahaan wasaaradda waxbarashadu samayso qiimayn ah in dugsiyada dawladda ay ka dhigto lacag la’aan si bulshadu ay u wada hesho tacliin isla markaana u noqoto bulsho waxbarasho leh.
  2. Mudane madaxweyne, waxa lama huraan ah in culayska la saaro in macalimiinta dugsiyada dawladda wax ka dhiga ee ka diiwaangashan wasaaradda waxbarashada loo sameeyo mushahar kordhin, laguna daro qorasha 2020-ka. si taasi u suurogasho mudane madaxweyne, waa xukuumadaadu joojiso qorshaha miisaaniyada ee iibsashada gaadiidka dawladda oo tobankii sano ee u dambeeyay xad dhaaf ku ah baahida gaadiid ee wasaaradaha dawladda, sidaas darteed, mudane madaxweyne in wasaarad kastaa hesho gaadiid badan oo kharash dayactir ba leh, waxa taas ka muhiimsan in mushahar ku filan loo helo macalimiinta waxbaraysa 250,000 (laba boqol iyo konton kun) ee arday, kana soo baxay laba boqol iyo konton kun oo qoys.
  3. Mudane madaxweyne, adiga iyo wasiirkaaga waxbarashada, waxaan idiin soo jeedin lahaa in qiimayn xilgudasho ku samaysaan guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo macalimiinta ka shaqaysa diyaarinta iyo sixitaanka imtixaanka shahaadiga ah, xafiiskaasi oo inta la ogyahay 21 sanadood aan ku fashilmin hawsha aadka u weyn ee ay qaranka u hayaan. Aniga oo idinku dhiirigalinaya in la dhiirigaliyo masuulkaas muwaadinka ah ee sharafta qaranka iyo ta xafiis ahaan ba ilaalinteeda heeganka ugu jira, sidaasi darteed waxan leeyahay guddoomiyaha xafiiska imtixaankaadka qaranka, Daa’uud Axmed Faarax waxa uu mudan yahay in abaalmarin qaran la siiyo.

 

 

Wa billaahi Tawfiiq

Qalinkii: Mawliid Adan Cumar.

Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY