Aadbaanu uga xunahay Xarunta HRC inay isticmaasho NATIONAL HUMAN RIGHT COMMISSION BY:HASAN FARAX HASAN(XASAN RAADIYE)

0
889
waxaan salaamaya madaxda ,shacabka iyo warbaahineed ee ilo wareedyadooda dhex dhexaadeed.Anigoo ah dadka sida dhaw ula socda arimaha dhaqdhaqaaqa HUMAN RIGHTS ka Somaliland mudo dhawr iyo,labaatan sano ah waxaan aad ula yaabay magacyada,Astaamaha iyo xirfadaha aad moodayso inay ku dhisan yihiin qaab lacag doonis(Projects), oo ka aradan habka milgaha iyo ujeedooyinka Xuquuqeed ee ay usimanyihiin Labada dhinac ee markasta wax dhex marikaraan waxa wax laga naxo ah on qoraladii ugu danbeeyay ee kasoo baxayay xarunta HRC (HUMAN RIGHT CENTER) oo hadana ah HUMAN RIGHT NATIONAL COMISSION(HRC) oo marka sadexdaa xaraf loo soo gaabiyona khilaafsan NATIONAL HUMAN RIGHT COMISSION ay kusoo saareen warbixino 2014-2015.
image-1
Ilaa laga bilaabo markii uu ardayga ka ahaa jaamacada Hargeysa qaybta sharciga isla markaana uu Gacan yare kanoqday Xarunta adeega sharci oo ahna Human Right Unity Islamarkaana Ka farcantay Xarunta Xalinta khilaafaadka ee Jaamacada, waxa wax laga naxo ah in qoraalada lala wadaago shaqsiyaad shaqaale caalamiya oo kumeel Gaadh ah ay aad uga yaabeen hababka Isbed-bedel tiiyoo laiska dhigayo Ururka qareenada somaliland wax foolxumo way ku ah , kana naxnay in gaadhigii loogu talogalay in bulshada rayidka ah loogu adeego in dad lacag lagaga qaatay looyarnimada loogu adeego laguna daad gureeyo isla markaana hadh iyo habayn , xitaa saq badh haday tahay lawato tiiyoo looga faaidasanaayo ama kagu tiriyoba in mukhaadaraad lagu qaad qaato laiskana dhigaayo in shaqo lahayo.
 waxa kale oo wax lala yaabo ah inaanay somaliland weli caalamka kahelin aqoonsi caalamiya  in  Dadka qaar ka shaqo dhiganayaan (MAGAN GALYO DOONKA SIYAASADEED) ayaanu gacan siinaa waana arin Aan suurto gal ka ahay in Dal aanay colaadi kajirin Sida ETHIOPIA oo kale  in ay yidhaahdaan waxa laidiin qaadaya debada islamarkaana ay boosaska marka Ay soo baxaan in dadka Dhoofku usoo  baxo ee itoobiyaanka ah laisku dilo, laiskana horkeeno lagana dhaliyo dhexdooda khilaaf Si ay usahlanaato in boosaskaa lagu buuxiyo Dad laga qaatay lacago oo ladan si dalalka aduunka loogeeyo waana hab tahriib casriya ah waxana kulug leh saraakiil sar sare oo latirsan UNHCR isla markaana kharash yarna siiya Xarumahan siay ugu fududeeyaan Hawlahaas ay ku fooganyihiin wax xog oo sax ahina aanay debada uga Bixin ,waxa mudan in dawladu Gacan ka gaysato Sidii wax looga ogaanlahaa loona sixilahaa arimaha  (ARIMAHAN ISKU CAYN IYO BAYD GOAY).
waxa wax laga xumaado ah in Dalado Ururo ay yidhaahdaan Intaas oo urur oo isku tegaanu nahay  badankooduna ay noqdeen magacyo lasameeyau kuna kooban hargeysa Isla markaan Ay madaxda ururadaa qaarkood ay kharashaadkii loogu tali galay in wax loogu qabto dhalinyarada deegaanada somaliland oodhan GOBOL,DEGMO ilaa Heer Tuulo inay ku Tageen kuna dhoofeen dalalka aduunka iyagoo faaafinaya fikrado ay aaminsan yihiin waxna katarayn bulshada caalamka ee ay utageen foolxumo a ku au dalkoodii iyo dadkoodii.
waxa kale oo khalad ah in Komishankii hore ee xuquuqul iinsaanka  qaranka somaliland  ee waqtigii Xukuumadii Tan ka horaysay inuu isticmaalo astaanta qaranka ee kadhaxaysa Haayadaha qaranka oodhan ,taasoo  Komishankan iminka joogaana uu isticmaalo iyadoo uu kudul fadhiisiyay Labada calaacalood ee gacmaha oo kala jeeda.
Gebgebo: Guntii iyo gebogebadii waxaan kula talinayaa
1:in xalinta khilaafaad aan loo abuurin In khilaaf laxaliyo
2:In Xarumaha Isku sheega xuquuqul iinsaanku In Report kooda aanay gaadhin una dirin talona kaqaadan Goobaha Dawlada somaliya awoodeheedu ay ka Daciifka yihiin Dadka joogaana aan lagaranayn Kana taliya
3: In wixii lidi ku ah Qawaaniinta Iyo Sharciyada Ay somaliland dhigatay Kuna Heshiiska yihiin Umadeedu Aan wax kaduwan loosoo waaridin iyadoon laga talo gelin
4:In saxaafada ama Suxufiyiintu Ay Usiman yihiin Sharciga sida, Madaxduba larabo inuu sharcigu u xakameeyo isla markaana Saxaafadu ay ka madhnaato Qof Necbaysi, qabiil kuhadal deegaan ama Rabid dibu dhac deegaan oo dhinac kasta ah iyo horumarinta deegaan oogaar ah.
5:Waa xaqiiq in sifudud Aan loo majaro habaabin karin Shaqsiyaadka aan waayo aragnimadoodu iyo Run ka gaadhista xaalad kasta Jecel, Dhab ahaanshaheeda  jiritaan hoos aan loogu dhaadhicin.
 By:RAADIYAHA XAQAAIQA RUN AHAANEED 
LASOCO QAYBAHA KALE OO KA XIISO BADAN KUNA SALAYSAN DUCMENTYO IYO QORAALO AANU HAYNO OO KASHIFAYA HAB USOCOD MAAMUL XUMAANTA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here