BERBERA: Xafladii Caawa ee Furitaanka Shaybaadha Shidaalka Somaliland lagu samayndoono + Daawo SAWIRRO

0
1000

Berbera, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisa uu ku joogo gobolka Saaxil gaar ahaan berbera ayaa caawa ka qaybgalay xaflad aad u qiimo badan oo  xadhiga  lagaga jaray laab casri ah oo lagu baadhi doono shidaalka dalka soo gala dhamaantii.

????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka jarayaa Shaybadhka Cusub ee Shidaalka

Talaabadan ayaa noqonaysa mid aan hore dalka uga dhicin, balse caawa oo madaxweynuhu uu furay, wixii ka danbeeya loogu soo hagaagi doono shidaal nadiif ah oo la xaqiijiyey tayadiisa.Madaxweynaha oo ka dib markii uu xadhiga ka jaray xarunta shaybaadhka gudaha u galay dhismahaasi ayaa warbiximo ka dhegeystay khubaro ajaanib iyo somalilanders isugu jira sida uu u shaqaynaayo iyo qaababka lagu ogaan karo shidaalka saxda ah iyo ka aan saxda ahayn.

????????????????????????????????????

ka dib waxa loo soo noqday barxada lagu qabanaayey  xaflada daah furka shaybaadhka shidaalka taasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay il yartuna is qabatay, ugu horayna waxa halkaa ka hadlay, Maareeyaha Haamaha shidaalka berbera sheekh Saleebaan Siciid Cali oo u mahadnaqay Maamulka gobolka saaxil iyo guud ahaan madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Marwada Kowaad ee Qaranka.

????????????????????????????????????

BERBERA OIL

sidoo kale waxa uu faah-faahin dheer ka bixiyey waxqabadka u qabsoomay kuna talaabsatay haamaha shidaalka berberi intii uu xilka uu hayey oo ay markhaati ka tahay caawa laabka shaybaadh ee aynu furitaankiisa u fadhino, dib u dhiska haamaha keydka shidaalka oo la casriyeeyey kana balaadhiyey, laamiyada, dhiraynta oo ay kow ka tahay timirta aad arkaysaan inta ay dherer leegtahay oo la goosan doono insha allaa marka aad madaxweynaha 5ta sanno ee danbe doorataan, hadalka maareeyaha oo dheeraa hadii aynu uga gudubno Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo isna halkaasi uga mahadnaqay maareeyaha haamaha shidaalka ayaa yidhi runtii sheekhu waxa uu ku talaabsaday waxqabad muuqda oo aan la dafiri karin waana wax lagu mahadiyo waxqabadka uu qabtay oo qaranka u faan ah.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Siilaanyo oo ay Hareero fadhiyaan qaar ka mida Golihiisa Wasaaradu

waxa isna hadalka la wareegay gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi bidaar oo u mahadnaqay shacbiga tirada badan ee ka soo qaybgalay xaflada daah furka shaybaadhka muujiyeyna kaalinta haamuhu ugu fadhiyaan dalka ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka uu la barbartaagan yahay shacbiga iyo masuuliyiinta waxqabadka muujiya, waxaana hadalka kala wareegay Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Maxamuud Cumar (Cali Xoor-xoor) oo madaxweynaha uga mahadnaqay horumarka iyo dedaalka uu muujiyey intii uu xilka hayey, sidoo kalena sheegay doorka dhalinyaradu ku leeyihiin waxbadka muuqda ee xukuumada ka dhex ifaya ee uu ka mid ka yahay sheekh saleebaan oo ah masuul da’a yar oo ka mid ah dhalin yarada gobolka u soo kacday ee firfircoon ku dayashona mudan.

11393120_779164765530712_8119471691860785427_n

 

waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cali Bikalo oo ah Maareeyaha hay’adaha dhawrista tayada (Quality Control), ayaa sheegay in talaabadani tahay mid muhiima qiimana ugu fadhida dalka mahadnaqeedana uu iska leeyahay madaxweynaha qaranka Somaliland iyo Maareeyaha haamaha shidaalka ee hirgeliyey shaybaadhkan, waana mid aynu ku dhaafnay wadamada jaarkeena sida aynu waxwalba xaga hoose uga soo bilowno isuguna taakulayno in aynu waxaasi ka midho dhalino.

????????????????????????????????????
Maareeyaha Ha’ayda Raashinka

waxa isna ka hadlay Kornayl Faarax oo ahaa masuulka shirkada  ISS ee qalabkan dalka keentay rakibtayna waana shirkad Kiiniyaan ah door weyn ku leh in dalku yeesho shaybaadh casri ah oo lagu ogaan karo tayada shidaalka aynu isticmaalno, waxaanu ku dheeraaday qiimaha faaidada shaybaadhkani leeyahay iyo xaaladaha caafimaad daro ama caafimaad wanaaga ay keento shidaalku.

marka ay halkaasi maraysay xafladu waxa hadalka loo wareejiyey dhinaca madaxdhaqameedka oo uu ugu horeeyey Chief Caaqil Axmed Caaqil yare, hadalkiisana ku bilaabay waxa aan madaxweyne kugu soo dhawaynayaa gobolkii aad u soo halgantay ahna gobolkaagii, aniga oo xilka caaqilnimo soo hogaaminaayey 60 sanno ama ilaa ingiriiskii, waxaan ku sheegayaa in xilka ka wanaajiyeyna lagu amaano ka xumeeyana loo sheego taasina waa iga kaftan madaxweyne, sidoo kale waxa isna lagu so dhaweeyey suldaan cismaan tuulo, oo madaxweynaha u muujiyey taageerada ay ka madaxdhaqameed ahaan ay la barbartaagan yihiin, waxqabadka xukuumadana ku sifeeyey mid u dhalatay gobolka saaxil marka loo eego waxqabadka gobolka ka hirgelay intii uu madaxweynuhu talada hayey, waana mid aan gobolka laga qaban ilaa Somaliyadii marka loo eego.

 

iyada oo xafladu sii socotay waxa hadana la wareegay mikro foonka Xildhibaan C/qaadir Indho-indho waxaanu hadalkiisa ku bilaabay waxa aan uga mahadnaqayaa maayar cabdishakuur inuu ina xasuusiyey taariikhdii berbera oo aan anigu garanaayo siday ahayd nusqarnina aan taariikhdeeda hayo balse aan u soo noqdo shaybaadhkan oo ah mid caawa laga bilaabo laga leeyahay Geeska Afrika oo dhan, wixii aad madaxweyne dalka ka qabatayna waa wax dhaxalgal ah oo taariikhdu sheegi doonto, isaga oo xildhibaanku ku dheeraaday taariikhdii somaliland soo martay kuna nuuxnuuxsaday halka la maraayo. wax isna la wareegay Xildhibaan Siciid Cartan oo hadalkiis aku bilaamay salaan iyo mahadnaq ayaa sheegay in ay ka gobol ahaan soo dhawaynayaan cidi berbera maalgashanaysa in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan ha noqoto dekeda ama goobaha kale ee muhiimka ah, magaaladana ha la dhisto ayuu yidhi xildhibaanku.

11390280_779164642197391_6927336541209681134_n

Dhinaca Wasiirada ayaa iyana dhankooda lagu soo dhaweeyey waxaana ugu horeeyey Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali maxamed Warancade oo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, madaxweynuhuna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay waxa ii farxad ah sida qiimaha leh eed noo soo dhawayseen iyo waxqabadka wanaagsan eed ku talaabsateen wanan idin ku hambalyeynayaa waxaanan idin kula dardaarmayaa inaad meel uga soo wada jeesataan nabadgelyada dalka, sidoo kalena waxa uu hambalyo u diray Maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan, isaga oo madaxweynuhu ugu danbayntiina shahaadooyin gudoonsiiyey shaqsiyaadkii ku guulaystay in lagu abaal mariyo waxqabadka ay muujiyeen intii hawlahani socdeen.

 

Waxa xaflada ku lamaanaa oo aan la ilaawi karin Majaajilooyin, Riwaayado iyo heeso wadaniya oo shacbiga ku sugnaa halkaasi dareensiiyey xaaladaha kala duwan ee dalku maraayo.

 

ugu danbayntiina waxa ay xafladani ku soo dhamaatay jewi qurux badan iyo farxad ay kala soo dareereen shacbigii isugu yimid halkaasi, Madaxweynuhuna waxa uu habeenkii labaad ku hoyday Qasriga Madaxtooyada ee Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here