Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qatar & Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta ka Degay Magaalada Muqdisho

0
1023

MUQDISHO , (HargeisaPress) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar iyo Wefdi balaadhan oo  uu hoggaaminayo ayaa dduhurkii maanta  soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo waddooyinka caasimadda

Khaalid Bin Maxamed Al-Attiyah iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Somalia iyadoo wararku ay sheegayaan in kulammo uu la qaadan doono madaxda dalka.

Inkastoo aan la sheegin mudada uu Muqdisho ku sugnaanayo ayaa haddana waxaa haddana Saraakiisha Dowladda Somalia ay sheegeen in Wafdigaan ay kulammo la qaadanayaan inta ay joogaan Muqdisho.

Qatar_FM_Arrives_Mogadishu

Dowladda Qatar ayaa waxay caawisaa Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena kaalmeysa qaar ka mid ah agoonta ku nool Muqdisho, waxaana howshan u haya haya’d lagu magacaabo Qatar Charity oo ah hay’ado samafal oo Qatar laga leeyahay.

 

La Soco Wararka ka soo Kordha..

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here