Ma Aan Mahadin…W/Q Yonis Musse Bashir

0
1409

Asalaama Calaykum Waraxma Tulaahi Wa Barakaatu, Bacda salaam waxa aan jecelahay in aan ku soo bandhigo qoraalkeygan fikirkeyga ku aadan Magacaabista Gobolka Cusub ee XAYSIMO, iyo WASIIRKA Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi baadhista iyo Technologiyadda. A.   TIMIRTII HORE DAB LOO WAA Waxa aan aad iyo aad uga xumaadey markii aan maqley waxa la magacaabey gobol cusub oo la yidhaahdo XAYSIMO xarunna ay u tahay XALEEX, sababto ah, “TIMIRTII HORE DAB LOO WAA” xukuumadddii uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin waxa ay hore u magacowdey 7 gobol kuwaas oo illaa hadda aan la ansixin, isla markaasna muddo bandanna jirey oo shaqeynayay. Sidoo kale Goboladaas ay ku guul dareysteen in shardigii lagu xidhey ay buuxiyaan, shardigaas oo ahaa in ay miisaniyad ahaan is bixin karaan 70% (Boqolkiiba Todobaatan), isla mar ahaantana ay wasaarada arrimaha guduhu ka masuul tahay sameynta qiimeynta lagu ogaanayo in goboladaasi in ay isbixinkaraan iyo in kale una qalmaan in ay noqdaan GOBOL. Run ahaanti kama xumi in TALEEX loo magacaabo gobol, balse waxa aan ka xumahay sharciga dawladnimo ee sidii la doono loo dhigayo, waxa aan ka xumahay iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay sidii loo ansixin lahaa iyo sida qiimeyn loogu sameyn lahaaba in la yidhi degreeto ayaa gobol cusub lagu magacaabey taasi oo ka dhigeysa gobolkaas mid jira oo ansax ah halka kuwii hore aan wali laga ansixinba. Waxa aan odhan lahaa SUNAHA DAWLADNIMO KUMA JIRTO, WAXA AYNA DHAAWAC KU TAHAY JIRITAANKA JAMHUURIYADENA SOMALILAND. B.   ANO AABAHEY U TAAG LA’ , AABAHEYNA AABIHIIS KEEN Waxa aanan mahadin talabadan uu madaxweynuhu ugu magacaabey wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goloyaasha, Cilmi baadhista iyo Technologiyadda, Mudane Ali Xamud Jibril, Sababto ah ma aha mid u cuntanda dhalinta, wax garadka iyo waliba aqoonyahanka reer Awdal, Salal iyo Gabiley. Sido kale, waxa magacaabistiisa lagu garab lamaaney magacaabista gobolka cusub ee XAYSIIMO, taasi oo aan u arkey ka jeedin ama ku madadaalin la madadaalinayo reer Awdal, Salal iyo Gabiley, runtu waxa ay tahay in reer Awdal, Salal iyo Gabiley ay yihiin lafdabarta Somaliland, cida dhistay qarankan ama uu ku dhisan yahay, balse aan loo ogeyn muhiimadooda, waxa aan xasuustey dardaaranki uu ka tagay Marxuum/Madaxweyne Mahamed Haji Ibrahim Cigaal ee ahaa “DOORASHASU YEYSAN BARI IDINKA MARIN”. Gunta iyo gabagabada, waxa aan odhan lahaa labadan talaabo ee uu madaxweynuhu qaadey waxa aan u arkaa in ay tahay “POLITICAL SUICIDE” taasi oo kala dileysa umadda reer Somaliland, isla markaasna soo kala dhex galineysa cadaawad iyo colaad sokeye, nin jecleysi iyo Faquuq badan. Wa Bilaahi Tawfiiq W/QYonis Musse Bashir MA Economic Policy and Planning BBA Management/Accounting Hargeisa, Somaliland 

LEAVE A REPLY