Madaxweyne Silaanyo Oo Xalay Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Islamarkaana Beeniyey Warar Sheegayey In Caafimaadkiisu Liito

0
1072

silaanyoLONDON,(HargeisaPress) —  Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana waxlala yaabo ku tilmaamay  warar sheegayay in xaaladiisa caafimaad liidato oo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka.

Sidaas waxa uu ka sheegay Madaxweynuhu mar uu xalay ka hadlayay xaflad afur iyo casho iskugu jirtay oo ay u sameeyeen qaar ka mid ah qurbo-jooga reer London, waxaana xafladaasi kala qeyb galay Marwadda koowaad Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam  Cabdi Aadan,  wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali Aadan Cawaalle, siyaasiyiin  iyo marti-sharaf kale.

“Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa,  dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba  u danaysay laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso,  dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay  mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey jaaliyadda reer London.

“Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland  waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.”ayuu raaciyey hadalkiisa

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya warar laga qoray caafimaadkiiisa oo la sheegay inuu xaalad halis ah ku jiro ayaa beeniyey waxaanu sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana aanay fiicnayn habaarka iyo caydu, isagoo xusay inuu cafiyey dadkii waxaasi ka qoray, waxaanu yidhi “Caadfimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka  qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona,   Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka  uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba, waana saamaxay kuwaasi waxaasi iga qoray.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xafladaasi ka ammaanay Wasiirka waxbarashadda oo uu xusay inay wax badan ka qabatay horumarinta tacliinta mudadii ay xukuumadiisu jirtay,isla markaana wakhtigii uu safarka ku marayey goboladda goob kasta oo uu maro loogu mahad celinayey wasiirka Waxbarashadda Samsam cabdi Aadan.

Waxaa kaloo iyaguna halkaas ka hadlay Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska iyo xubno ku hadlayay afka saddexda xisbi qaran oo dhammaantood sheegay in aanay haboonayn in wax laga sheego cirdiga madaxda qaranka, isla markaana warar aan jirin laga fidiyo caafimaadka madaxweynaha.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY