BISA DII SOO FAHA LEEFTAY by: Aadam weli

0
1045

Waa qormo kooban ah oo aan ku eegi doono hogaaminta  axmed maxamuud silaayo ee dhinaca siyaasada dibada oo intay xukuumadiisu  jirtay aan odhan karo waji kale ayay la soo baxday oo umadii soo dooratay ee Somaliland ay aad uga yaaban yihiin halka uu hogaanka hada dalkan ka taliyaa uu hada la marayo arimaha dibada oo ah meel aan maamuladii hore ee Somaliland soo maray ayna dhabadaa qaadin taas oo ah siyaasad dhanka wada hadalka soomaaliya iyo somaaliland oo dawladihii ka horeeyay ay ka lahaayeen shuruudo adag oo ah inaan waxa wada hadal ah la la gali Karin dawladkasta oo ka dhalata dalka soomaaliya ilaa ay aqoonsadaan dawlada Somaliland shuruudaa oo ahayd mid aad u qaaliya oo shacbiga somaaliland aad u danaynayeen balse dhibi kuma jirto hadii xukuumadani ay is tiri dhankan uga wa reega oo soomaliya wada hadal la fura si aad idinku u kala baxdaan bal aan is dul taagno tan iyo markii ay bilaabmeen wada hadalada somalilnd iyo soomaliya markii uu xumada soomaliya xukumay madaxwayne sh.shariif iyo bal ilaa xasam sheekh maxamuud oo maanta isu haysta in aduunku uu isaga ictiraaf buuxa ka haysto oo aanay dowladiisu ku meel gaadh ahayn

Bal aan is yar dul taagno wada hadaladii ka bilaabmay dalka ingiriiska  ee ku danbeeyay wadan ka turkiga iyo war murtiyeed yadii ka soo baxay oo aynu wada ognahay inaan wixii ka soo baxay waxa ka fulaaba ayna jirin sida tii hawada ee laynagu yidhi labada dal ayaa wada maamulaya oo aynu maanta ognahay in soomaliya lagu wareejiyay iyadoo daahir yaa shamisa ayaa saxaafada caalamka laga wada daawanayay iskaa daa qodobo kale oo halkaa laga soo saaray  ama shirarkii hore oo la fuliyay oo aan arkaynaana ma jiraan waxa kale oo aan ognahay in dhawaan ay tageen dalka turkiga wasiirada madaxtooyada iyo arimaha dibadu dalka turkiga oo ay oo ay inagu yidhaah deen waxa aanu u tagnay gogol xaadh iyo ajandaha shirka wada hadalada somaaliland iyo soomaliya oo labada dalba ay ka wada imaadeen wafuud ka kala socotay .

Maxaa dhacay waa yaabka yaabkii halkii umada Somaliland ay ka sugaysay ina dalkii turkiga la tago oo hadana wadahadalada la sheegayo ee ma dhalayska noqday bal la eego waxa ka soo baxa ayaa waxa dhagaheena iyo indha heena aynu ku aragnay iyada oo laynoo raray dhakaa jabuuti dawlada oo aan inoo sheegin ayay saxaafadu qoraysay baldee u fiirsada waxan dhacaya miyaanay ahayn ruwaayadii la odhan jiray WAA MAADAYS DADKUNA WAY MATALAYAAN hore waxaynu u maqlnay in arintii hawada dawladeenu lacag siisatay imikana xagan laynoola kacay ee jabuuti ma inaga ayaa turkigii saluugnay ma soomalia ayaa saluugtay waa su’aal u baahan in ay xukuumadu ka jawaabto aniga waxa ay ila tahay oo aan ku soo gabagabaynayaa arintani inay xukuumada ku noqonayso (BISADII SOOFAHA LEEFTAY )intay is leedahay dhaqale doono waa in lagu soo noqdo go’aankii hore Somaliland u yaalay ama xukumadu tustaa arimihii hore wixii ka fulay

Aadam weli gabilay

LEAVE A REPLY