Guddidu Siyaasad Looma Xil Saarin Ee Faraha Ha Kala Baxdo, Ninkii Musharax Noqonayana Golaha Dhexe Ee Xisbigiisa Ayaa Soosaara Ee Odayaal Ma Soo Saaraan.

0
865

Waxa aan Marka hore Salaamayaa Akhristayaasha Sharafta leh iyo Warbaahinta tixgalinta mudan ee Dalkooda u huray Maskax iyo Maalba, Intaasi kadib waxaan Maanta rabaa in aan ka hadlo go’aanka ay soo saareen Koox ka mid ah Guddida Horumarinta Beesha Sacad , Go’aan kaasi oo ahaa mid aan iyaga khusan,

isla markaana ka baxsan wixii loo doortay oo ahaa in ay ka shaqeeyaan Horumarinta Reerka, ayay Kooxdaasi Majara habawday sheegeen in ay kala saareen Musharaxiintii Beesha oo kala ahaa, Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, Kooxdaasi Guddida ka mid ka ah oo yidhi waxaanu go’aan ka gaadhnay kii noqon lahaa Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Madaxwayne Axmed Siilaanyo dabadii, Arintaasi oo ahayd mid aan Guddidaasi

looga fadhiyin ama aan ahayn wixii loo igmaday in ay ka shaqeeyaan, Iyada oo Kooxdaasi Guddida ka midka ahi Majarahabaabiyeen ujeedadii Guddida loo sameeyay oo ahaa in ay Horumarinta Reerka ka shaqeeyaan, balse waxa ay galeen hawlo Siyaasadeed oo ka baxsan shaqadii Reerku u igmaday, maadaama oo Kooxda Guddida ka mid ka ah ee gashay hawsha ka baxsan shaqadoodii, sidoo kalena uu baal marsan yahay Nidaamka Asxaabta badan (Multi Party System) ee aynu qaadanay kaasi oo lagu doonayo in aynu kaga baxno Qabyaalada, waana ujeedada loo sameeyay Xisbiyada Qaranka,qofkii Musharaxnimo doonayaa waa in uu kalsooni ka haystaa dhamaan Bulshada Somaliland, Qafkuna Maaha in uu ku koobnaado Reer ama uu Reer Musharax u noqdo ee waa in uu Somaliland oo dhan darif ilaa darif codka raadsadaa, balse Musharaxa Reer dabada galiyaa waxa uu Noqonayaa mid aan isku kalsoonayan, Reerna ma gooyo Cod Madaxwaynenimo ayaan leeyahay Musharaxa isku hawlaya Reerka oo Guddida Horumarinta Reerka ka leexinaya hanaankii ay ahayd in ay ugu shaqeeyaan dadkooda,
Takale Shaqadani ay gashay Kooxda ka mid ah Guddida Horumarinta Sacad Musse waa shaqadii Golaha Dhexe ee Kulmiye, Qofkii doonaya Musharaxnimo waa in uu kasoo dhex tartamaa oo uu ku kalsoonaadaa Golaha dhexe ee Xisbigiisa, balse maaha in uu qof Musharaxnimo doonayaa Sas ka qaado Xibigiisii iyo Golihii Dhexe ee ay u taalay hawsha uu doonayaa , Taasi badalkeedana uu ku jahawareero meel ayna waxba u oolin, Waxaanan kula talin lahaa Musharaxu Maaha in uu noqdo Musharax Beeleed ee waa in uu noqdaa Musharax Qaran, waxaanan leeyahay Musharaxan Guddida hantaaqay Bisinka qabso Saska aad ka qaaday Xisbigaaga iyo Golihiisa dhexena iska saar si kalsooni ku dheehan tahayna ula tartan cidii Xisbiga dhexdiisa kugula tartamaysaba.

Waxa aan kusoo gababa gabayn lahaa talo aan usoo jeedinayo Kooxda ka mid ka ah Guddida Horumarinta Sacad Muuse, Waxaanan leeyahay Waxa aad ahaydeen Guddi balaadhan isla markaana looga hanwaynaa inay hal qof ku mashquulaan ama yidhaahdaan hebalbaanu soo xulanay, takale halka aad shakhsi soo sharaxdeen maaha shaqo idiin taala idinka cida Musharax ka noqonaysa Xisbiga Kulmiye,Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxnimadiisuba way ka madax banaan yihiin arimo beeleed, idiin mana haboon in ka Guddi ahaan aad ku kala jabtaan Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye oo aan idiin ool balse u taala Golaha dhexe ee Xisbigaasi, Kooxdaasi hadalkaasi ku dhawaaqdayna Waxa aan leeyahay Sumacadii reerka meelbaad kaga dhacdeen,sharaf darona waad u horseedeen milgihii iyo sharaftii Reerku lahaa,

Hadaba imika iyo haatan waa in aad xilwayn iska saartaan hawlaha horumarinta ee Beelaha kale ee Reer Somaliland ee dhigiina ahi ay ku hawlan yihiin farahana aad ka qaadaan hawlahn siyaasada ee aad gasheen iyo shakhsigan aad dusha ku sidataanba,kuna dadaashaan sidii aad uga shaqan lahaydeen dhinaca horumarinta Beesha.

Ismail Abdi Mohmamed
Norway
Buuniyare@gmail.com

…………………………………………………………………………………………

HargeisaPress.com marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo HargeisaPress.com dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here