Balan Qaadka Wasiirka Ciyaaraha Ee Rooga Hargeysa Staduim Waa Rajadii Dhalinta: W/Q Khadar Awliq

0
1061
Mudo badan ayaa wasaarada looga fadhiyey dhiiri gelinta dooga Hargeysa Stadium, waaba taas maanta bedka soo dhigtay Wasaaradii ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland maanta waxay noqotay wasaarada kor u qaaday rajadii dhalinta reer Somaliland ee uu hore mugdiga badani u hadheeyey.Mar hadii ay dhiiri gelisay furashada garoomada casriga ah ee dalka sida xawliga ah ugu soo badanaayey iyo weliba mida ugu weyn oo ah inay Marsada Berbera soo gaadhsiiyey doogii macmalka ahaa ee la dhigi lahaa garoonka Somaliland ugu weyn ee Hargeysa Stadium.Mudo badan ayaa wasaarada looga fadhiyey dhiiri gelinta dooga Hargeysa Stadium, waaba taas maanta bedka soo dhigtay, waa guul iyo badhaadhe u soo hoyday xukuumadeena, shacabkeedan, dhalinyaradeena oo ah ubaxa dalka iyo muraayada mustaqbal ee dal kasta laga daalacdo jiilka u soo kacaaya.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha arrintaas waan ku bogaadinayaa, marka xigta

jiilka haatan jooga waa mid ka nasiib iyo aayo wanaagsan facii ka horeeyey, sababtoo ah waxay heleen wasiir iyo wasaarada u heelaan hamigooda iyo higsigooda.Ilmaadeerayaal nin ragi wuxuu qabtay lagama masuugee, bal waxaad ka warantaan dhiiri gelinta dhalinyarada Somaliland, gaar ahaana shirweyinihii ugu dambeeyey ee ay haatan yeeshay, dhismaha weyn ee loo bineeyey dhalinta markii ugu horaysay.Marka la helo agab laysku halayn karo oo dhanka ciyaaraha ah waxaa muuqan kara rajo weyn oo ah in dhalinta dalkooda ku nagaadaan, isla markaana yeeshaan han sare oo ah kor u qaadka xirfadooda ciyaartooyinimo.

Mar kale xukuumada iyo wasiirka ciyaaraha waxaan leeyahay hadaad xaqiijiseen yoolkii dhalinta reer Somaliland, waa guul u soo hooyatay dhalinyarada dalkeena.

Wa bilaahi Tawfiiq

Khaddar Awrliq

awrliq@gmail.com

…………………………………………………………………………………………………………

HargeisaPress.com marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo HargeisaPress.com dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here