Faalo: Buugga HAL AY GARTEEN Waxuu Sawir kaa siinayaa Muhiimadda abaabulka iyo Wadashaqayntu ay u leedahay Horumarka Bulshada iyo isbeddelka Nolosha.

0
1178

Buugga  HAL AY GARTEENIstookholm,Danta buuggan, HAL AY GARTEEN, waxay tahay in bulshada la xusuusiyo oo lagu baraarujiyo dhawr arrimood oo waaweyn oo horumarka aayahooda lug ku leh.
Arrimahaas ayuu qoraagu u sharraxayaa si maadays ah oo ay metelayaan xubno firfircoon oo bulshada la doonaya in ay horumar ku tillaabsato.

Waa qoraal xilkasnimo, tusaalayn iyo talasiin laga dheehay kaasoo qoraagu ku dadaalayo in uu dad/bulsho aanu hadal la wada gaadhi karin wax ugu sheego, uguna gudbiyo aqoon uu filayo in ay waxtar u leedahay ummad marinkeedii ku soo hiran weydey.

Buuggan, HAL AY GARTEEN, waxuu sawir kaa siinayaa muhiimadda abaabulka iyo wadashaqayntu ay u leedahay horumarka bulshada iyo isbeddelka nolosha.

Waxuu qoraagu isku deyayaa inuu tartiib tartiib iyo tallaabo-tallaabo kuu tuso sidii bulshadu u noqon lahayd mid isbeddel horseedda, mid dhibaatada ka saari karta dadkeeda, mid raadreeb ku samayn karta wixii dhacay, mid raadraac ku samayn karta sida ay ummadaha kale horumarka ku gaadheen.

Waxa mudan in la xuso in hadalka oo la yareeyo iyo hawsha oo la badiyo uu horumarku ku jiro. Taas oo la wada ogsoon yahay, ayaa misana dadka soomaalidu ay u bateen dhanka hadalka.
Taasi waxay ku tusaysaa ifafaale ah dhanka ay bulshadu u hayaansan tahay inuu yahay dhan aan horumarku ka dhoweyn.
Waa taa arrinta uu qoraagu rabo in uu saxo, si dhabbihii laga habaabay uu dib bulshada ugu soo celiyo.
Injineer Cabdulrashiid Axmed Ismaaciil.
Istookholm, Iswiidhan.

Halkan ka Booqo  http://axmedkeyse.wordpress.com/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here