Beesha Cabdalla Abokor (ARAB) oo Casuumad Taageero ah u Samaysay Murrashax Madaxweynaha KULMIYE + SAWIRRO

0
1406
murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Mid ka mid ah beelaha dega Koonfurta caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Hawd (Cabdalla Abokor/Arab), ayaa casuumad ballaadhan oo taageero ay ku siiyeen u sameeyey murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Casuumadda oo ahayd si heer sare ah loo agaasimay oo ka Hotelka maansoor ee magaalada Hargeysa,

waxa ka qaybgalay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beesha Cabdalla Abokor, salaadiin kale, masuuliyiin iyo siyaasiyiin fara badan oo lagu casuumay iyo boqolaal qof oo beesha deegaanka ah, waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi loogu muujiyey taageero baaxad leh.

Suldan aadan oo khudbado ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa ka mahadceliyey casuumadda ballaadhan iyo taageerada wayn ee beesha deegaanku u samaysay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo iyaguna ay u arkaan inuu yahay ninka ugu habboon in loo doorto madaxweynenimada qaranka.

Cabdi Gacan yar , ayaa si ballaadhan ugu mahadceliyey dadweynaha iyo marti sharafta ka qaybgashay casuumadda iyo sida ay u taageereen xisbiga KULMIYE.

Wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland Muddane Khadar Xaaji Yuusuf ayaa sheegay taageerada isaga beeshiisu siinayaan murrashax Muuse Biixi ay tahay mid uu ka mudanyahay, waxaannu yidhi, “Muuse Biixi aniga iyo beeshaba abaal wayn oo aan la iloobi karin ayuu nagu leeyahay, maanta oo uu doonayo dad iyo madaxweyne hadalkiisaba daa ee inta uu nool yahay aniga iyo beeshuba wax la iloobi karo maaha.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa erayo farxad iyo mahadcelin ah kaga dareen-celiyey martiqaadka iyo taageerada loo sameeyey.

“Waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa xafladdan iyo casuumaddan karaamada iyo sharafta leh ee madashan quruxda badan leh ee abaabulka badan la galiyey, karaamadaa iyo taageeradaa aad noo muujiseen xisbi ahaan iyo murrashaxiin ahaanba aad iyo aad baanu idiinka mahadnaqaynaa ee Ilaahay ha idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY