Beesha Caalamka Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Hawlaha Doorashada Madaxtooyada

0
1206
Stephen Schwartz United States Ambassador to Somalia

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wefti ka socda dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ka kooban dalalka safiirka Denmark, safiirka Midowga Yurub iyo wakiilo ka kala socday Finland, France, Netherlands, Sweden, Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada iyo murashixiinta saddexda xisbi qaran.

Warsaxaafadeed ay dalalkani ka soo saareen Hrgeysa waxay ku sheegeen inay dhinacyadan u cadeeyeen inay taageerayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo qabsoonta 13 November, iyagoo dhammaan dhinacyada ku dhiirigeliyay inay aqbalaan natiijada ku soo baxda qaab lagu kalsoonaan karo.

Sida warsaxaafadeedkan lagu sheegay dalalkani, waxay hoosta ka xariiqeen in hawlgalka diyaar garowga doorashada ee ay guddiga doorashadu wadaan uu si wanaagsan u socdo hadday tahay dhammaystirkii diiwaangelinta cod bixiyayaasha, qaybintii kaadhadhka iyo shahaadooyinkii aqoonsiga ahaa ee la siiyay dhawaan lixda murashax ee doorashada u tartamaya iyo weliba xeerka hab dhaqanka xisbiyada ee la saxeexay, waxaanay beesha caalamku talaabooyinkas ku tilmaantay horumar la sameeyay. Maadama oo doorashadii madaxtooyada ay inaga xigto 5 toddobaad waxay dalalkani ugu baaqeen xisbiyada guddiga doorashada iyo ururada bulshada in laga wada shaqeeyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho madaxtooyo oo daah-furan wax walibana cad yihiin.

Dalalkan Somaliland taageera sida warsaxaafadeedkooda ku cad waxay ugu baaqeen madaxda siyasadda Somaliland in la ixtiraamo shuruucda iyo go’aamada lagu salayn doono, waxaanay soo dhaweeyeen arrimaha ilaa hadda suurtogalay ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka..

Waxa kale oo ay sheegeen oo warsaxaafadeedkooda ku cadeeyeen sida ay muhiimka u tahay in mudada ololaha ay xisbiyada tartamayaan u sinaadaan warbaahinta qaranka oo ay si siman ugu adeegto, xisbiyadana waxay kula dardaarmeen olole qaangaadh ah oo aan xadka ka baxayn ayna ka dheer tahay cabsi iyo hadidaadi.

Ugu dambayn waxay dalalkani cadeeyeen in doorasho madaxtooyo oo ku qabsoonta jawi xor iyo xalaal ah oo nabadoon islamarkaana la raaciyo qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaaha deegaanku ay kor u qaadi doonto sumcadda Somaliland ee dimuqraadiyadda. Waxaanay balan qaadeen inay si dhow ula socon doonaan diyaar garowga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here