Duufaan iyo roobab 22 ruux ku dilay Bartamaha Ameerika

0
1366
HargeisaPress Breaking-News..

Dabaylo roobab mahiigaanno ah wata ayaa lagu soo warramayaa in ay ugu yaraan 22 ruux ku dileen Costa Rica, Nicaragua iyo Honduras ka hor intii aysan u jihaysan Maraykanka.

Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay dalal ku yaalla Badhtamaha Ameerika, halkaas oo lagu la’yahay 20 ruux.

Roobab mahiigaanno ah oo da’ay ayaa sidoo kale sababay, dhul go’ay iyo daadad gooyay waddooyinkii, iyadoo buundooyinna ay burbureen.

Sidoo kale guryo badan ayay waxyeelo ka soo gaartay roobabkaasi.

Ku dhawaad 400,000 oo kun oo ruux ku nool dalka Costa Rica ayaan haysanin biyo qasabadaha ka socda, kumannaan ruuxna waxay seexdaan goobo dadka loo diyaariyay.

Ugu yaraan lix ruux ayuu ku dhintay duufaanta halkaas ka dhacay, 11 ruux oo kaleetana waxay ku dhinteen markii ay u warreegtay dhanka waqooyi ee ay gaartay Nicaragua.

Dad lagu qiyaasay 5,000 oo ruux oo reer Costa Rica ah ayaa ku nool goobo ku meelgaar ahLahaanshaha sawirka REUTERS
Dad lagu qiyaasay 5,000 oo ruux oo reer Costa Rica ah ayaa ku nool goobo ku meelgaar ah

Saddex ruux ayaa ku dhimatay Honduras kuwo kale oo badanna waa la la’yahay.

Dhammaan khadadkii tareenka ee Costa Rica ayaa la xiray duulimaadyo badanna waa la baajiyay Khamiistii.

Beero xayawaan oo badan oo heer qaran ah oo caan ku ah dalxiiseyaasha ayaa iyagana albaadaba loo laabay ka hortag ahaan.

Meelaha ugu badan ee ay ka dhacday waxyeelada Nicaragua waa dhanka xeebta Caribbean-kaLahaanshaha sawirkaAFP
Meelaha ugu badan ee ay ka dhacday waxyeelada Nicaragua waa dhanka xeebta Caribbean-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here