Wada Hadal Ku Saabsan Hawada Sare oo Somaliland iyo Soomaaliya ku Dhex Maray Addis Ababa ee Dalka Itoobiya + SAWIRRO

0
1421
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Laba Wafti oo ka kala socda Dawladaha Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay Magaalada Addis Ababa,ee Xarunta Itoobiya, Wafiyadan oo ay kala hogaaminayeen dhinaca, SL Wasiir Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haybe, Agaasimaha Duulista Wasaarada Mr Said Mahdi Ileeye, Safiirka SL ee Itoobiya Amb Cali Xuseen Ismaaciil ( Shoombe), halka dhinaca Dawladda Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Gaadiidka Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad oo ay weheliyeen Agaasimaha Hay’ada Duulista ee SCAMA Mr Yuusuf Cabdi Cabdullahi(Jaalle) iyo ku xigeenkiisa Mr Axmed Macalin Xasan, Kulankan ayaa ahaa sida ay Shabakada Wararka ee Hargiesa Press u xaqiijiyeen ilo wareeyo u dhuul daloola goobta Shirka,wada hadalo heer Wasiir ah oo ka furmay 4/10/2017 hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa, Itoobiya kuwaas oo Soomaaliland iyo Soomaalia ay kaga wada hadlayeen Maamulka Hawada labada Dal.
.
shirkan waxuu daba socday shir hore oo nairobi ay ku yeeshen saraakiil labada dhinac ah oo u gogol xaadhayay midkan imika dhacay ee heer Wasiir waxa,iyadoo Shirkan ay soo qabanqaabisay Hay’ada Xalinta khilaafaadka ee Wadamada Aduunka oo la yidhaa HD fadhigeeduna yahay Geneva,Switzerland waxaana Hay’ada mataleyay oo goob joog shirka ka ahaa wakiilka Hay’adaas ee Geeska Africa Dr Mohamed Omer iyo Nada barnaamijka Muna Duale.

Sida uu hore u sheegay Wasiirka Duulista JSL ka hor intaanu ka anbabixin Hargeisa waxa nuxurka wada hadalku ku qotomaa xal u helida in maamulka Hawada Heshiiskii laga gaadho kaas oo suurta geliya in maamulka hawada dib ugu soo noqdo gacanta Soomaalida halka imika ay gacanta ku hayso hayada UN/ICAO, Ilaa hada war rasmiya lagama soo saarin wada hadalkaas iyo in wax heshiis ah laga gaadhay, waxaan idinla socodsiin doonaa hadba waxii cusub ee xog ka soo baxa wadahadalkaas.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here