Soomalilaand iyo Soomaaliya oo Wadahadal Hawada Sare ku Saabsani Uga Furmaayo Adisababa

0
1203
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa u kicitimay magaalo madaxda Dalka Ethiopia ee Adisababa halkaas oo uu ka dhici doono kulan ay Soomaaliland iyo Soomaaliya kaga wada-hadli doonaan maamulka hawada labada Dal kulankaas oo ah heer wasiir ayaa  wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa ka hor inta aanu ka dhoofin Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport waxa uu faahfaahin ka siiyay warbaahinta ujeedka safarkiisa, waxaanu yidhi:-

“waxaan u anbabaxaynaa aniga iyo xubno ka mida saraakiisha Wasaarada,  Dalka Ethiopia magaalada Adis Ababa halkaas oo aanu kulan bilow ah aanu ku yeelanayno anba qaadka hawlihii maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo heer wasiir ah waad ogtihiin oo muddo dheer bay hawshaasi soo jiitamaysay marxalado badan ayay soo martay shirar badan ayaa jiray oo hore loo soo qabtay shirarkii u danbeeyay ee Nayroobi baa jiray markaa kana kii uun buu qayb ka yahay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“Waxaananu rajaynaynaa aasaaska iyo udub dhexaadku waxa weeye sidii loo heli lahaa xal suurto geliya in hawada Somaliland iyo Soomaaliya ay noqoto mid Soomaalida gacanteeda kusoo noqota oo ay wada maamulan karayaan muddo dheer iyadoo ka maqnayd, hadii ay suurto gasho inay wada-hadaladaasi is afgarad ku dhamaadaan.

Wasiirka waxa uu yidhi hadii ay kulankan waxba ka soo bixi waayaan:-“Hadii kale oo ay suuro geli waydo dee Dawlad waliba go,aan qaadashadeeda iyo xalkeeda ayay ku soconaysaa, run ahaantii anagu rajo wayn baanu ku qabnaa waananu soo dhawaynaynaa wixii kasoo baxana soo noqod kayga ayaan idin sheegi doonaa insha allah.”

Wasiirka ayaa warbaahintu wax ka waydiisay wada-hadalkan waxa uu kaga duwan yahay wada-hadaladii hore maadaama ay muddo xileedkii xukuumadana wakhti kooban ka hadhsan yahay wasiirka oo su,aashaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi:“ mudada xiliga kala wareega ee mashruuca qaabaynta iyo qalabaynta iyo dhisida awooda Madaarada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee ICAO gacanta ku hayso ee markii hore la qorsheeyay seddex sano ayuu ahaa, seddexdii sano waxay ku egyihiin 2018 bisha labaad inkastoo ay qalabayntu soconayso ilaa bisha 12 ee 2018, markaa maadaama ay mudadii soo dhawdahay waa isku day inay Soomaalidu isku tashan karto oo ay xal gaadhi karto mana aha wax aynu diidi karno mar walba taladeena iyo go,aankeenu waa meel laakiin hadii ay tahay madal in laysu ku yimaado oo ay tahay aynu wada-hadalno, ma jirto asbaab aynu u diidno”

Dhanka kale wasiirka ayaa wax laga waydiiyay hadii ay Soomaaliya ku adkaysato in hawada labada dal laga maamulo Soomaaliya waxa uga qorshaysan waxaanu yidhi:

“kama hor dhacayo anag qorshahayagu waa noo cadyahay horena shirkii Nayroobi qodobo ayaa laysla eegay, waxa laysla eegay suurto galnimada horta taawariska qalabka lagu hago hawada ama Diyaaradaha lagu maamulaa sida ay u suurto gelayso ee looga samaynayo Hargeisa iyo Muqdisho, Hadiise ay noqoto in cid kale gacanta loo geliyo waxay noqonaysaa hawl ka madaxbanaan waayo markii hore xal Qaramada Midoobayn ah ayaa lagu wareejiyay hawada oo ICAO mandate la siiyay ilaa hada ma jiro wax xal ah oo lagu celiyay Qaramadii midoobayn oo la leeyahay hawadii Soomaali baa qaadanaysa waxaanay ka imanaysaa inaynu inagu isku afgarano dabadeed sidaa Qaramada midoobayn ugu gudbino oo ku aqbalo anagu marwalba waxaanu u taaganahay doonista Jamahuuriyada Soomaaliland.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegaya in Madaarka Hargeisa lagu wareejinayo Dawlada Turkiga.

“wax walba maaha inaanu u soo bandhigno saxaafada waayo waxyaabaha qaar baa u gaara maslaxada iyo jiritaanka qaranimada Jamahuuriyada Soomaaliland oo aan u baahnayn inaanu debada soo dhigno. Horta maaha Dawlada Turkiga ee waa Company Turki ah oo had iyo jeer maalgashi ku sameeya Madaarada muddo ayuu wada-hadalku noo socday waa markii shanaad ee ay noo yimaadaan markaa waxaanu isla eegaynay inaanu ku dhawaano  farsamo ahaan sidii ay inoogu dhisi lahaayeen Terminal cusub maadaama Terminalka imika inoo dhisan uu kooban yahay oo awoodiisu qaadi karaynin Diyaaradaha imika inoo yimi siyaasada cusub ee Xisbiga Kulmiye na way ku jirtaa in Terminal cusub in loo  dhiso Madaarka Hargeisa, markaa macnaheedu maaha waa la wareejinayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here