Yurub-geenyo oo Hargeysa lagu soo Dhaweeyey, kana Hadashay Cafiska Madaxweyne Siilaanyo, Shacabka Somaliland-na Raalligelisay

0
2264
Fannaanadda Caanka ah ee Yurub Maxamed Cabd

Hargeysa, (HargeisaPress) —Fannaanadda Caanka ah ee Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-geenyo), ayaa maanta ku soo laabatay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ay tan iyo dabayaaqada sannadkii hore ka maqnayd, waxaanay ka soo laabatay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Yurub-Geenyo, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Fannaaniinta iyo Masuuliyiinta Kooxda Xiddigaha Geeska oo ay hore uga tirsanaan jirtay, isla markaana intay Muqdisho ku maqnayd laga saaray iyada iyo Fannaaniin kale.

Waxa kale oo soo dhawaynteeda ka qayb-qaatay, Xildhibaanno, Abwaanno, Masuuliyiin iyo Taageerayaal kale. Waxay Yurub-geenyo oo soodhawaynteeda ka dib Saxaafadda la hadashay si gaar ah ugu mahad-celisay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo Cafiska soo noqoshada u fidiyey, Xildhibaan Nacnac iyo Kooxda Xiddigaha Geeska.

Fannaanadda Yurub-Geenyo, waxay sheegtay inay tahay Fannaanad Reer Somaliland ah oo taas ay Muqdisho intay ku sugnayd iyo meel kastaba ka sheegtay, wax laga tirtiri karona aanay ahayn, balse haddii ay jiraan Shacabka Somaliland Dad ka tirsan oo saluugsan Safarkeeda ay Muddada ku joogtay Muqdisho, inay ka raalligelinayso, isla markaana aanay dib u dhici doonin inay Muqdisho tagto, sida ay hadalka u dhigtay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here