Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Oo Ka Hadlay Dirawaliin Imtixaan Laga Qaaday oo Ku Guulaystay Buuxinta Shaqooyin Banaan + SAWIRRO

0
1307

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay soona bandhigay Xirfadlayaal Dirawaliin noocyadda Gaadkiidka wadistoodda bartay oo Imtixaan ay dad badan la galeen ku guulaystay Shahaaddada Baabuur wadistana lagu siiyey.

 

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal uu Warbaahinta ugu talo galay, waxa uu ku sheegay in muwaadiniin reer Somaliland oo tiraddoodu dhantahay 20 Dirawal, ay si wada jira Imtixaan uga qaadeen Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinka isla markaana ay ku guulaysteen 6 Darawal oo ay qaadatay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

waxaanu mr Sharmaarke ka hadlay dedaalka iyo hayaanka Caddaaladda iyo Shaqo abuurka ee Aqoonyahanka Jaamiciyiinta iyo Xirfadlayaasha shacabka reer Somaliland ay Hay’adda Shaqaalaha dawladdu ku sugayso inay Imtixaan aan Eexasho iyo Dhabar taabasho lahayn ay ku buuxin doonaan hadba wixii shaqooyinka ka banaanaadda hay’addaha dawladda. Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey Tiradda ku guulaysatay Imtixaan ay u galeen 20 Darawal shaqooyin ka banaanaana Hay’adda shaqaalaha waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan. Xirfadleyaal si Xarago iyo Xaafad la’aan ah Xalaal guul ku Xasladay – Waxaa soo idlaaday dhajinta natiijada tartan xirfadleyaal “Darawalo” ay u tartameen kaalmo shaqo oo ka banaanaa hay’adda shaqaalaha dawlada JSL.

 

Guulaystayaasha oo tiradoodu dhammayd 6 ayaa kasoo dhex baxay tartamayaal 20 ahaa, kuwaas oo galay tartan dhinacyo badan laga eegay sida:Diyaar garowga iyo Feejignaanta Darawalka = Dib u socodka = Dalcadaha = Calaamadaha Waddo Marista – Imtixaan qaadayaasha oo ka kala socday Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada ayaa ugu dambayn soo saaray natiijada guulaystayaasha.

Waxaa Illaahay mahadii ah in aan dedaal weyn ugu jirno in cid walba hesho fursad Caddaladeed iyadoo ilaa imika tartan loo galay dhinacyo kala duwan sida: *Shaqooyinka Qalinlayda ee Dawlada *Dhalinyarada ku nool Gobolada Dalka *Deeqaha Waxbarasho ee Shaqaalaha Dawlada *Shaqooyinka Xirfadleyaasha ee Dawlada – Arintan ayaa noqon doonta mid fursad siisay ka sakow qalinlayda in ay xataa xirfadleyaashii helaan tartan furan oo Caddaaladeed, taasi oo ku keentay dareen farxadeed in ay kalkooda wax ka heleen fooraha caddaalada.

Waxaan u mahadcelinayaa masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha, imtixaan qaadayaasha ka socday Wasaarada hawlaha Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada Waddooyinka oo dhamaantood gacan muuqata ku lahaa tartankan, waxaan hayaan ugu jirnaa jidka dheer ee loogu jiro Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here