Dawladda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedihii Ay Dawladda Itoobiya U Jeedisay Ee Ahaa Baro-Kicinta Qoomiyada Oromada Ee Dalka Jooga

0
932
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eed ay dawladda Itoobiya u jeedisay oo ahayd inay Somaliland si qasab ah ku baro-kicisay dad qoomiyada Oromada ka soo jeeda oo tiradoodu gaadhayso saddex kun oo ruux.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Dr. Ngeri Lencho oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa, ayaa sheegay inay Somaliland si sharci darro ah u  baro-kicisay dad ka badan saddex kun oo ruux oo Orromo ah, markii ay rabshaduhu ka dhex dhaceen Soomaalida Itoobiya iyo Oromada. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa eedahaas ku tilmaamay kuwo nasiibdarro ah marka la eego sida ay Somaliland u ilaaliso dadka Oromada ah ee dalkeeda jooga.

Wasiir Sacad oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko eedda wasiirka warfaafinta Itoobiya wuxuu yidhi  “Arinkaas wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, dadka reer Somaliland waa dad soo dhaweyn badan, waliba u dabacsan dadka ka soo jeeda qoomiyada Oromada, waxa imika sifo sharciya oo diiwaangashan inoola jooga ilaa toban kun oo Oromo ah, inta in leegna in aanay diiwaangashanayn baa laga yaabaa, muddo badana way inala joogeen, Somaliland intii ay jirtayba wey inala joogeen, wax dhibaato ah oo loo geystay iyo wax cabasho ah oo ay keeneen midna ma jiro, dad sharci daro aynu ka hayno dalkeena mooye, dad aynu sharci daro ku erinaa ma jiraan”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey dadkii lagu laayey Magaalada Hawaday iyo Qoomiyada Oromada ee dalka degan raadka ay ku yeelatay ayaa yidhi “Markii ay dhacday dhacdadii Hawaday, dad badan oo Oromo ah ayaa iskood ugu tagay Booliska, oo ay ka dalbadeen in dib loo celiyo, dadkaas si fiican baa loo galay,Baabuur baa lagu qaaday,  xadka la geeyey, wax alaale iyo wax dhibaato ah oo loo geystay ma jirto, waana laga war hayna in Culimadeena, Wax-garadkeena, Aqoonyahankeena iyo Madax-dhaqameedkeenu inay dadka ugu wada baaqayeen markii dhacdadani dhacday in aan cidna wax la yeelin, oo dadkaas Oromada ah, dhib loo geysan, oo waliba la soo dhaweeyo, markaas in inagoo wanaagaas oo dhan sameeynay, in la yidhaahdo sharci daro ayey ku soo saareen, waa maxay sharciga aynu inagu jabinay, waa nasiib darro”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay inay Dawladda Itoobiya xidhiidh kala yeesheen ama ay kala hadleen eeddan ayaa ku jawaabay “Wefti ayaa Itoobiya maanta galab (shalay), ka yimid, beri (maanta), ayaanu balansanay insha allaah, waxaana Weftiga hoggaaminaya Amasadoor Maxamed Dirir”.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY