Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Xisbiga Wadani Ee UK Oo Loo Magacaabay Maxamuud Aw Ciise Jaamac

0
1457
Maxamuud Aw Ciise Jaamac

London,  (HargeisaPress) —Gudoomiyaha Qaarada Yurub Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa ku cadeeyay qoraal uu soo saarey in Maxamuud Aw Ciise Jaamac(Maxamuud Aw Ciise Gacanloo) oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley Loo Magacaabay Xidhiidhiyaha Xisbiga Wadani ee Qaarada Yurub.

Qoraalkan lagu Magacaabay Maxamuud Aw Ciise Jaamac in uu noqdo Xidhiidhiyaha Qaarada Yurub ee Xisbiga Wadani oo ay ku cadyihiin ogaalka Guud ahaanba Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Murashaxa Jagada Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Gudoomiyaha Kumeelgaadhka ah Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waa magacaabistii ugu Dambeysay ee kasoo baxdey Qaarada Yurub khusuusana UK haseyeeshee, saameynteedq Xisbigu siweyn u dareemay kadib markii dareen badani kasoo noqdey Cariga ingiriiska guud ahaan Xubin ahaan firfircoonida iyo kaalinta uu Xisbiga kusoo kordhin karo Maxamuud Aw Ciise gacanloo oo horena u shaaciyey in uu Xisbiga Wadani ku tartami Doono Doorashooyinka soo Socda ee Golaha Wakiilada.

Maxamuud Aw Ciise Jaamac ayaa la dareemay dhaqdhaqaaqiisa mudadii uu Xisbiga Wadani kujirey ha u dambeyso soo dhaweyntii Degmada Geedbalaadh iyo Gobolka Gabiley ee Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Cabdiraxmaan loogu soo dhaweeyay oo uu qeyb ka ahaa isaga Aabihii Mujaahid Aw Ciise Jaamac oo kamid ah odoyaasha Waaweyn ee Gobolka Gabiley.

Qoraalkan lagu Magacaabay Maxamuud Aw Ciise Jaamac in uu noqdo Xidhiidhiyaha Qaarada Yurub ee Xisbiga Wadani halkan hoose ka eeg

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here