Sifaha Hogaamiyaha Wanaagsan

0
4927

Qoraalka qayb ka midda waa Muxaadiro sh Mustafe ee 28 Sep 2017

Kali kalidu waa madi waa xero oodan oo lagu goblama  waxaynu saaranahay doon marti u nahay habar dugaagoo cidna aanay ismagan galin maxasta iyo caruurtaa bahluhu masruuftaan noloshii dhinac kasta waxaa laga dhigay (sirta dahsoon) oo dharag iyo gaajaba dhib iyo dheef wixii dhaca waa garanwaa maxaa kordhay ama hoos u dhacay kala garashada ayaa la iska soo weeraray.

Aamusnaanta badan guulbaa ka danbaysa naruuro iyo naq roobaad baa qalbigaygu ku rajo wayn yahay wadajir ayaana lagu helaa sidii kale ee lagu raadshaa daal bay dhaxalsiisaa dadkuna hadaanay wax wada aaminsanayn kooxba kooxbay dhaliil u aragtaa.

Waxaan qalbiga ku hayaa hadalo xikmadda oo dhaxalgal ah boogo badana iga bogsiiyay oo uu leeyahay sh mustafe Haji ismaaciil harrun “Aqoonta camal wadani waa faashil” waa philosopher daraaseeynayay 40 sanno ee udanbeeyay halkee wax khaldameen?maxaa xal inoo ah?.

Sheekh Mustafe aqoontiisu waxay dagta quluubta dadka uu la hadlo xalay oo khamiis soo galayso 28/9/2017 waxaa albaabada u laabnaayeen hotel guuleed waxaa ka socotay muxaadiro uu sh mustafe kaga hadlayay waa kuma Hogaamiye

Sh mustafe wuxuu hogaamiye kusoo koobay sidatann:

Hogaamiyaha aynu u baahanay waa inuu lahaadaa sifooyinka soo socda

  1. Qof aragti leh,aragtidaana dadka ka dhaadhicin karo
  2. Run sheegnimo karti leh,daacadnimo
  3. Kalsooni lagu qabi karo (credibility) kalsoonida waxaa sababa laba shay A- run sheeg ,qawl aad ugu soo hagaagi karto, dadkana wax gashaday
  4. Qiyam leh (Values)
  5. Tusaale noqon karaa kana dhabayn karaa (Set the Example)
  6. Tijaabin karaa goaankiisa u badheedhaa khataraha isagoo aragti dheer meelo badan ku eegaya

Wuxuu sheekhu ku dheeraaday astaamaha hogaamiyaha fiican isagoo tixraaca usoo qaadanayay ay u badnaayeen kuwo maadi ah iyo diini ahba sida nin la yidhaahda Jeb poslar oo qoray buugaagta ugu caansan ee ka hadla hogaaminta The leadership chalanges buugan waxaa uu ka qoray cilmi baadhisa socotay 30 sanno oo macluumaadka ka helay 3 milion oo qof oo interview uu la galayay 75000 oo qoraalna soo jawaabeen 1500 oo ka mida hogaamiyayaal iyaguna ka hadleen buugan qoraalkiisa waxaa la bilaabay 1982 edition-kiisii ugu horeeyay waxaa la soo saaray 1987 edition-kii 2aad 2007 edition-kii 3aad 2011 warbixinahaas iyo macluumaadkaasi waxay kusoo koobeen qodobadaa aynu soo sharaxnay .

Maxaan ka faaidnay Muxaadiradan:-

Tartanka doorasho ee maanta dalka ka jiraa si aynu u dhaqangalino mawduucyada hogaamiyaha wanaagsan in aynu ka eegno danteena miisaana ku saarno keebaa ugu dhaw sadexda musharax Qodobadan aynu soo sheegnay marxaladan waaqiciga ah yaa inaga saari kara.

Danntu waa maslaxadii iyo wixii maalintaa yaal,si aynu u korno sheekaddana uga baxno dalka in aynu u doorano cidii maslaxaddan ku haboon marka loo eego cidda tartamaysa inagoo ku eegayna il wadaniyadeed hoosna u dhigayna kala duwanaanshiyaha isir ama qabiil isku bahaysanaya badbaado qaran in si nabad ah looga qayb qaato doorashada xisbi walba wixii uu inagga iibinayo inasoo hordhigo meelna ku kaydsano si aynu barri ugula xisaabtano ….Ilaahay kii dalkan iyo dadkan masaakiinta ah ha usoo saaro Ameeeen Ameeen

W/Qoray Ahmedyasin sh Cumar Ahmed Furre

Ahyasen216@gmail.com

LEAVE A REPLY