Xukumadii Siilaanyo Waxa U Hadhay 48 Maalmood !!? Qalinkii: Mawliid Ahmed Jibriil

0
1433
Mawliid Axmed jibriil

Mana dareemayo ifafaale muujinaya in ay doorashada Waqtigii loogu talo galay dhacayso,

Mana arkayo mucaarid cadaadis xoogan ku haya oo ku cambaaraynaya xukumada in doorashada ka badheedho oo waqtigeeda la qabto.

Intaa kadib, xukumadu waqtigan waxa ay ku maqiiqan tahay xaraashka guryihii danta guud tirada yar ee ka hadhay in ay ka iibiso Garacsatada ay xulafada ku noqdeen iibka hantida qaranka.

Hada waxa Daawaha saaran Liinkii booliiska 16 iyo 4 sandaqadood dhulka ay ku yaalaan oo Bankiga dhexe dabadiisa ku yaal .

Dhulka cabirkiisu waa 173 mitir oo waqooyi iyo koonfura iyo 17 mitir oo bari iyo galbeeda,

waliba waxa laysla dhexmarayaa in BANKIGA DHEXE lafdiisa la iibinayo oo dhulkan lagu darayo,

Ninka dhulkan laga iibinayaa waxa layidhi baa la yidhi waa XAWAALADA CAANKA KU NOQATAY BOOBKA HANTIDA QARANKA OO XUKUMADA XIDHIIDH AAD U QOTO DHEERI UGA DHEXEEYO.

Waxa dhulka lagu xaraashayaa Qiimo ka yar maqsinka suuqa faras magaslaha ku yaal inta la siiyo qiimo ka hooseeya.

sido kale, hada waxa Daawaha saaran Xanaanada badhtamaha suuqa ee loo yaqaan simisitarka, iwm.

sida daradeed,ma jiro mucaarid iyo muxaafid ka hadli Kara Hantida danta guud ee Qaranka ee Dalka laga dabar gaynayo. !!?

Sobobtoo ah,Xukumadu sadexda xisbi mid walba dhabarka ayay Taabatay oo waxa ay U sheegtay in marka uga dambaysa ay ololaha Kala qayb Qaadanto oo isaga xilka ku wareejin doonto marka ay soo saarto.

Waana sobobta uga wayn ee xisbiyada qaranku mucaarid iyo muxaafidku uga hadli wayeen waxay xaqa U lahayeen oo ah hantida guud ee lagu dul dhameeyay iyo waqtiga doorashada loo qabtay in aan maalin dambe lagu Darin, maadaama dhawr jeer oo hore xukumada loo kordhiyay.

Xisbiyadii mucaarid iyo muxaafidba waxay ku xiiqeen olole aan ceel U qadnayn oo waxay Qodayaan xabaal bilaashdii doorashada.

Xukumadu laba arimood ayay ku siqraantay : 1) iibka danta guud 2) mudo kordhin qiil loo hayn,

Geerida maalinta aad dhimanayso hadii 48 maalmood ayaa ku hadhay lagu yidha, saw Taladu kuguma baahayso oo maanku kama lumayo,

sido kale, xukumada 48 cisho U hadhay maxad ka filanaysaa saw miyir la,aan maaha maadaama dhimashadii loo sheegay.!!?

Isku soo wad duuboo, xisbiyada gaar ahaan mucaaridku haday doonayaan in doorasho dalka ka dhacdo oo ay U diyaar yihiin xukumada haku qayliyan oo geed dheer iyo mid gaabanba ha U fuulaan in doorashadu waqtigeeda dhacdo.

Mucaaridku haday isku kalsoon yihiin ayay Rumaysan dhabarka la taabtay ee xaqa dalka iyo dadka ayay ka dhuuman, taasi ayay wax ku helayaan oo umadu ay ku taageeraysaa.

Mucaarid iyo muxaafidkaba haloo midoobo in xukumadu doorashada waqtigeda ku qabato oo maalin loogu Darin,

Hana ogaadaan in kursiga kii ilaahay U qoray fuulaaye ee Gunimada xukumadu U sheegtay haka baxaan.

Xukumadu waxay ciyaaraysaa ninkii sadexda Dumara qabay ee ay waydiyeen ta uu jacal yahay ?

Ninkii sadexdii xaasba inta uu U yeedhay ayuu sii jeedsada yidhi, markay sii jeed sadeen ayuu yidhi, Tan dhabarka taabto ayan jacalahay ee ma sheegi kartid ee dhaqaaq marka, dabadeed sadexdiiba waa Taabtay way dhaqaaqday mana sheegi karto.kkk

sida maanta waxa la mida sadexda xisbi qaran ee mid walba xukumadu dhabarka taabatay ee mid walba adigay xukumadu dhabarka ku taabatay leh ee waliba maaweelada beenta ah ee loo xambaariyay ku xiiqay ku xoolo iyo xoogba ku waayay xaqiisa sharcigu siiyay in la doorto waxna doorto.

Gabogabo, xukumada iyo wasiirada xukumada ee hantida umada boobaya iyo hantida ay ka samaysdeen iyo in ayna Birmagaydo lahayn dhulka iyo dadka ay ka boobeen ayaan soo bandhigayaa dhawaan ee filasho wacan iyo maqaaladii hore ee aan ka qoray xukumadu intay jirtay .

Waxan si gaara idin xusuusinayaa maqaal aan qoray markay xukumadu jirtay sanad oo magaciisu ahaa : XUKUMADA SANAD JIRTAY EE WASAARAD DHAN IIBISAY SHAN JIRKEEDA MAXA LAGA FILAN KARAA.

Qof kasda oo muwaadina xil baa dalka ka saaran kuwan xilka haya waxad U aragta shaqaale ku shaqeeya oo ku xadaya ama ku wanaajinaya ee adoon habran oo xora fikradadu waa mihiim hadanad karamada iska qaadin oo qof kale siin. !!??

ALAAH MAHAD LEH.

Qalinkii ; Mawliid Ahmed Jibriil

Email: Xogsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here