Toyota Merrill Waxay Tusaale U Noqondoontaa Inaanay Somaliland Dib U Helin Maalgashi Shisheeye!

0
1197

Shirkadda Toyota Merrill

Waxaa badhtamihii sanadkii 2012 laga furay magaalada Hargeysa laan metesha shirkada Toyota, shirkadan oo ka mida ah shirkadaha baabuurta sameeya kuwa ugu waaweyn aduunka.

Nasiib darose, waxaa soo baxay muran weyn oo u dhexeeya mulkiilayaashii wada hirgeliyey laantan Hargeysa, hadana ay kuba dhowdahay inay xidhanto ka hor iyadii oon laba jirsanin.

Waxaa shuraako ku ahaa keenitaanka shirkadan muwaadin reer Somaliland ah, kaas oo laanta Hargeysa ee shirkadan, sida uu cadeynayo heshiishka shuraakadani, ku leh boqolkiiba shan iyo afartan (45%) maalgashiga laantan, halka nin Fransiis ahina uu isna maalgashaday wadarta inta ka dhiman boqolayda (55%).

Shirkadda Toyota Merrill
Shirkadda Toyota Merrill

Hadaba, waxaa ayaamahanba dhex wareegaayey garsoorka Somaliland dacwad ka dhan ah laanta Toyota Merrill ee xarunteedu tahay Hargeysa, muducina uu ka ahaa ninka Fransiiska ahi, halka mudaacalena uu ka ahaa ninka reer Somaliland.

Ninka Fransiisku wuxuu ku dooday inuu ka waayey ninkii kale ee ay laanta Hargeysa shuraakada ku ahaayeen xisaab xidh. Wuxuu sheegtay ninka Fransiiska ahi lahaanshaha dhismayaasha goobta shirkadu degtay (kuwaas oo uu keligii maalgeliyey), inuu leeyahay baabuurta geerashka taal, isla markaana uu soo diri jiray qalab (spare parts) ah oo dhamaantood aan laga xisaabinin sidii shirkadani loo furay.

Intaas waxaa dheer, gabood fal kale oo Salaama Bank ka qayb qaatay fududayntiisa. Ninka reer Somaliland ee kamidka ah shurakada shirkada ayaa wuxuu kala baxay akoonka ay shirkadu ku lahayd Salaama Bank lacag gaadhaysa $300,000 (sadex boqol oo kun). Heshiiska ay kala qorteen labada dhinac, Salaama Bank-na uu ogaa copyna loo geeyey, ayaa dhigaayey inaanu ka saari karin dhinacna wax ka badan akoonka shirkada $30,000 (sodon kun oo dollar) dhinacyada oo wada saxeexa mooyaane.

Ninka Fransiisku wuxuu Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ka furtay dacwad uu ku codsaday in loo xayiro xarunta shirkada inta laga xisaabinaayo.

Maxkamadu waxay taariikhdu markay ahayd 21/06/2014-kii soo saartay laba xukun oo midna ay ku amraysay in la xayiro xarunta shirkadani ku leedahay Hargeysa, ka kalena ay ku xanibaysay akoonada (accounts) ay shirkadu ku lahayd Salaama Bank.

Labadaas xukun ee Maxkamadu soo saartay, laguna amrayey laamaha ku shaqada leh, midina kama fulin ilaa hada. Waxaase soo baxay warqad uu qoray Wasiirka Wasaarada Ganacsigu (oo ay isku reer yihiin ninka la dacweynayey). Wasiirku wuxuu warqadaas ku amrayey xaakimka kiiska dhegaystay inuu joojiyo xukunka xayiraada ah.

Halkee ayuu Wasiirka Ganacsigu ka soo galay waaxda cadaallada Somaliland?

Qareenka ninka Fransiiska ah mar uu u tegay Taliyaha Booliska, Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, si uu ugala hadlo sababta loo fulin waayey go’aanka Maxkamadu kusoo amartay, wuxuu taliyuhu u sheegay in arrinkii loo ekaysiiyey mid reer reer kale wax ka qaadayaan.

Taliye Fadal wuxuu sheegay in loo dhigay arrinkii sidan: xaakinkii kiiskan dhageystay inuu ahaa nin Arab ah, lawyer-ka u doodayey danaha ninkan Fransiiska ah uu ahaa nin Arab ah, taliyaha fulinaya amarkana uu yahay nin isaguna Arab ah (waa Fadale). Sidaasi darteedna, in la fuliyo amar sharci ah, marka la reereeyo, uu adkaanayo.

Maba jirto dan beesha Arab ay ka lahayd arrintan, laakiin miyaanay iyaga laftoodu xaq lahayn, oo haday sifo sharci ah maraan maxaa loogu duudsinayaa xaqooda qoladooda? Hadaynaanse dawlad ahayn, oo aynu reero isku amaan gelinayno dadkana ku dhacayno, miyaanay haboonayn inaynu iska xidhno dukaankan dawlada aynu ku sheegnay ee aynu beenta isugu sheegayno?

Maxamuud Saalax Muumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here