Qalab Cusub oo Qayb ka ah Qalabka Lagu Maamulo Hawada oo Dalka SL soo Gaadhay.

0
1127

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sidaan hore u sheegnay waxa Xarunta Wasaarada Duulista iyo Hawada ee JSL soo gaadhay qalab qayb ka ah,  qalabka haga Diyaaradaha lagulana socdo oo awood u siinaya in Wasaarada Duulistu SL ay si toos ah ugula socon karto in ay maamuli karto Hawadeeda. In kasta oo aanay wasaarada duulista ka hadal qalabkaas balse sida ku cad muuqaalka rasmiga ah oo la helay ayaa tusaya wasiirka iyo masuuliyiinta wasaarada oo dejinaya qalabkaas oo ku jira seexaarado waaweyn. Waxay ila wareedyo sheegayaan in qalabkaas laga keenay wadanka Singapore oo hore wasiirku safar ugu tegey la xidhiidha keenista qalabkaas.

Waxa soo kordhayay mudadan danbe dadaalo Soomaaliya iyo Soomaaliland ay labaduba ugu jiraan in ay awoodooda isugu geeyaan sidii dhinac kastaa ugu tabaabushaysan lahaa maamulka hawada ka dib xilliga kala guurka ee Hawada ay gacanta ku haynayso hayada maamulka Hawada ee Qaramada midoobay ee ICAO oo ku eg sanadka 2018.

Inkasta oo ay jireen dadaalo kale oo lagu doonayo in is afgarad soomaalida dhexdeeda ah lagu dhameeyo oo si wada jir ah hawadooda u maamushaan, hadana taasi waxay u muuqataa mid aan suurtagal ahayn iyadoo la isku afgaran waayay wada hadalo dhawr jeer laga galay qaabka hawada loo wada maamulanayo, taasina ay u eg tahay in ay ku keliftay Soomaaliland in ay isku tashato siduu hore u sheegay Wasiirka Duulista Soomaaliland oo yidhi; anagu hawada maamulkeeda waxaanu ku ognahay hayada ICAO oo qaramada midoobay ah oo gacanta ku haysa maamulkeeda kuna ixtiraamaynaa, hadii se ay  dhedhexaadnimada ka baxdo, Soomaaliland awood ayay u leedahay in ay hawadeeda maamulato. Dhinaca kalena masuuliyiinta Wasaarada Duulista ee Dawladda federaalka Soomaaliya  ayaa iyaguna dhinacooda ku celcelinayay sida ay uga go’an tahay in ay hawada la wareegaan. Waxa hubaal ah in aanay talaabooyinka socdaa u noqon karayn  xal  laga gaadho guul, balse ay sii hurinayso Khilaaf hor leh oo ku soo kordha mandaqada Soomaalida ka dib marka ay ICAO banayso kaalinteeda masuuliyadeed marka mudo xileedkeedu dhamaado, waxa kale oo ay saamayn wayn ku yeelan doontaa diyaaradaha isticmaala hawada soomaalida guud ahaan. Si kastaba ha ahaatee ilaa hada waxaan si rasmiya arimahan uga hadal hayada ICAO oo ilaa hada maamusha hawada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here