HOGAANKA MAANTA IYO CODKA SHACABKA

0
1776

 

Waxay ahayd dhacdo aan la qiimayn Karin intii daawatay baa markhaatiya dadka agtaagan dareenkan lamay qabin sawirka u muuqday ayaa ahaa mid kali ku ah maalintii dhinbiiluhu qiiqayeen ee isla goobtaa iyo maanta oo naruurada iyo neecowduba isgaadhay dadkuna xor yihiin dhalaanka iyo caruurtuna farxad ku dheelayaan, Dharaarwalbaa waayahaheeda ilaahii dhisaa yaqaan.

Waxay ahayd aroor hore iyo deeganka idhanka ee gobolka gabilay ka tirsan  waxaa isusoo baxay dadweyne farabadan oo calanka xisbiga Kulmiye sitay soo dhawayn balaadhana ku qaabilay hogaankii xisbiga kulmiye oo ugu horeeyo Musharaxa Xisbiga kulmiye Mudane muuse Biixi cabdi wuxuu halkaa khudbad ugu jeediyay dadweynihii halkaa iskugu yimid wuxuu hadalkiisii ku bilaabay maanta iyo shalay hiirtaanyo badan wuu hadli kari waayay Waxay ahayd dhacdo aan la qiimayn Karin intii daawatay baa markhaatiya dadka agtaagan dareenkan lamay qabin sawirka u muuqday ayaa ahaa mid kali ku ah maalintii dhinbiiluhu qiiqayeen ee isla goobtaa iyo maanta oo naruurada iyo neecowduba isgaadhay dadkuna xor yihiin dhalaanka iyo caruurtuna farxad ku dheelayaan, raarwalbaa waayahaheeda ilaahii dhisaa yaqaan.

Halgankii dalkan lagu xoreeyay ee Somaliland lagu helay riyo kumuu iman ragbaa dhibteedii iyo dhiiladii naftooda u huray maantana abaalkoodu maaha in la inkiro oo la fudaydsado waxay ahaayeen Geesiyaal diiday darxumadaa iyo wadani dhaarsan

“words and actions mean to people around the world, and how they used them for guidance in building their own future”

Hogaanka waxaa lagu sifeeyaa in uu si daacad ah naftiisa ugu hibeeyo dadkiisa halisna u galin karno badbaadada naftaada awgii (Sacrifice) waxaa muuqata in SNM oo ka mid ahaa Mudane muuse biixi uu xiligaa adag naftiisa halis u galiyeen si maanta aynu ugu noolaano neecowdan udgoon iyo naruuradan,jiirtaas adkayd ee qaybteedii hore aynu kasoo gudubnay maantana aynu marayno figtii ugu saraysay waxaa loo baahan yahay cidda inaga saari lahayd aynu ku doorano khibradda wadani jacayl iyo halgankii uu sida dhabta ah dhabadda adag ugu soo maray

Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo.

Jiirta halkii ugu adkayd baynu maraynaa si aynu baxno jiirtaas  cida hogaamin ka muuqato ee qarankan uwada dan ah inuu madaxweyne u noqdo aynu dooranno

Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.

Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo dhaqaajinaya hamigooda ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan.

Sifayaasha soo socda yaa inooga muuqdaa 3 xisbi musharixiintooda

1- Karti iyo Awood waxqabad,

waxmatare hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummadiina waa laqaybsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.

2- Go-aan qaadasho

Waxa meel lagu gaadhaa hogaamiye goaan qaadan kara oo aan labaclabac lahayn isagoo aan ka tagayn talo wadaaga laakiin kalsooni ku qaba inuu go’aankiisa maantana waa caqabadaha ina hortaagan

3- Qowl iyo run sheegnimo

Dhaqankeenii waxaa baabiiyay waji ku macaash iyo guulwadanimo badheedh ah oo aan xishood lahayn yaa dib usixi kara ee aynu ka arki karnaa hogaamiyayaashan codka inaga raba

Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-Nimo, ee Ummada u horseedi lahaa in uu si fudud u helo dhabooyin macquul ah oo soo afjari kara khilaafyada,musuqa,iyo maamul xumada noqotay dhaxalka.

Dhibaatadan dhalinyartii aanay haysan dariiq ay maraan oo u sahla in ay ku dhagaan majaraha saxda ee lumay waa in aynu si caqli sarre leh ku qiyaasno cida aynu rabno,caadifada iyo kalgacaylka ka horaysii yaa ku haboon maanta inuu hogaamiyo qarankan.

W/Qoray: Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Furre

 

LEAVE A REPLY