Guddiga Doorashooyinka Oo Xisbiyada Ugu Baaqay Inay Soo Gudbiyaan Musharrixiintooda, Kulanna La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo + SAWIRRO

0
1568

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddiga doorashooyinka, ayaa Maanta kulan ku wada yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay Warbixin ka siiyeen hawlaha u diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada, iyaga oo Saddexda Xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye ugu baaqay in mid waliba soo gudbiyo Musharraxa ugu tartamaya 45 cisho ka hor maalinta doorashada.

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta HargeisaPress.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la’aanta ee ay Xukuumadiisu hiil,  hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha  u sheegeen inay iyaga Kkomishan ahaan ka go’an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.

KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan  muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here