Dubia: Weftiga Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Booqday Dekedda ugu weyn Imaaraadka ee Jabal-Cali oo DP World Gacanta ku Hayso + SAWIRRO

0
1246
Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan

Dubai, (HargeisaPress) —Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo socdaalkeeda uu ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Safiirka soamliland ee isku taga Imaaraadka Carabta ayaa kormeer ku gaalaa bixiyey dekeda weyn ee Jabal Cali oo ay maamusho shirkada DP World, Waxaanay soo mareen dhamaan qaybahaasi kala duwan ee Dekedda.

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo naga soo gaadhay caawa Xafiiska Wararka u qaabbilsan Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu u dhignaa sidatan:- “Dekeda Jamal Cali oo ah dekeda Sagaalaad ee ugu weyn aduunka ayaa si ay indhahooda ugu soo arkaan masuuliyiintani sida ay u shaqayso dekeda Jabal Cali, isla markaana ay isku barbar dhigaan sidii ay u shaqayn lahayd dekeda magaalada Berbera ee dhawaan ay la wareegtay shirkadda DP World loona gaadhsiin lahaa heerka Dekeda Jabal Cali ay taagan tahay.

Safarkan ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo samayn lahaa free zone casri ah oo la dhigo alaabaha laga keeno dalka isku taga Imaaraadka Carabta ee dekeda Berbera iyo maraakiibta ku kala gooshaysa dekeda casriga ah ee magaalada Berbera, waxa ugu horayn madashaasi ka hadashay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanay tidhi “Dekeda ugu weyn ee Jabal Cali oo siday tahay ayanu arkayno, waxaananu u nimid sidii aanu u arki lahayn sida dekedani u shaqayso oo runtii cajiib ah oo aynaan ka baxay sharaxaadeeda todobaado dhan, markaa waxaan Illaahay ka baryayaa in uu halkaa ina gaadhsiiyo.” Ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Somaliland Maxamed Qabyatire, waxaanu yidhi “Anagoo Wasiiro ah ayaa Koofiyadihii, Jaakeedadii iyo Kabihii aanu xidhanay ujeedaduna waxa weeyi is-ilaalinta (safety-ga), wax walba nidaam iyo borotakool ayay leeyihiin.

Waxaan maqlayey dekedeenii Berbera oo la leeyahay waxay ka cabanayaan ama ay ku mudaharaadeen koofiyad qaata, Jaakeedna qaata, kabana qaata, halkan aanu taaganahay ee dekeda Jabal Cali heer kulkeedu 45degree, Koofiyadu waa in wax aanay madaxa kaaga soo dhicin, jaakeedkuna waa in lagugu garto.” Ayuu yidhi Wasiir Qabyatire.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Safiirka Somaliland ee dalka Isku-taa Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil, waxaanu yidhi “Waxa sharaf weyn noo ah inaanu magaaladan Dubai aanu ku soo dhaweyno wefti Wasiiro ah oo oay hogaaminayso Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka qorshaynta qaranka.”

“Waxa kale oo aanu filaynaa in dhawaan ay ku soo biiraan Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ujeedada safarka Weftiga ayaa ah runtii kulan ay la qaadanayaan shirkadda DP World, kulankaas oo ujeedadiisu tahay sidii looga wadahadli lahaa arimaha ka dhexeeya shirkadda DP World iyo xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo ah in sharciyadii iyo heshiiskii la gudo galo kadibna loo gudbo qaybtii dhismaha iyo hawlgalkii.” ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here