WAR-MURTIYEEDKA Kal-Fadhiga 33aad Ee Golaha Sare Ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

0
1343
Madaxda Dallada SONYO

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kal-fadhigii 33aad ee Golaha Sare ee Dalladda Heer Qaran ee urrurada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO ayaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo ay ku xardhan yihiin nuxurka 6 qodob oo muhiimad ballaadhan u leh guud ahaan dhallinyarada Somaliland.

Waxa Maanta oo ay taarikhdu tahay 09/09/2017 ku soo geba-gaboobay Xarunta Guud ee Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO kal-fadhiga 33aad ee Xubnaha Golaha sare ee 8aad. kal-fadhiyadan oo la qabto Afartii biloodba mar wax aka soo qayb gala dhamaan Xubnaha Xildhibaanadda Golaha sare ee Gololadda oo dhan waxaanu leeyahay ujeedooyin gaar ah salkana ku haya hadba xaaladda wakhtigaas lagu jiro, Goluhu iyagoo ka Mahad celinaya qaabka qurxoon ee kulanka loo Agaasimay iyo Habsami u socodka intii kulanku socoday waxa ay soo sareen War-Murtiyeedkan.

war-murtiyeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Cabdicasiis Siciid Saalaxwaxa ay qodobadiisu kala ahaayeen:

  1. Goluhu Waxa uu gudida doorashooyinkaqaranka Somaliland Ku Hambalyaynayaa hanaankii quruxda badnaa ee kaadh qaadashadda doorashadda inagu soo foolka leh .Sidoo kale waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan muwaadiniita Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan dhalinyarada JSL Kaalintii firfircoonayd ee ay ka qaateen habsami u socodkii wacyigelinta muwaaadiniinta iyo kaadh qadashada intaba.

 

  1. Goluhu wuxuu ku baaqayaa hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta si gaar ahna waxa uu u ka codsanayaa saddexda Xisbi Qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADANI in ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah habsami u socodka doorashadda,wadajirka ummadda iyo ammaanka siiba wakhtiga loo qoondeeyay ololaha doorashada.

 

  1. Goluhu wuxuu si buuxda u taageerayaa heshiiska nabadeed ee laga gaadhay khilaafkii dhex maray beelaha walaalaha ee Degmadda Ceel Afweyn iyo adkaynta nabadgalyadda.

 

  1. Goluhu waxaa uu u mahad celinayaa Garbyada Dhalinyarada ee ASXAABTA Qaranka qaabka Wada-shaqayneed ee iyaga iyo Dallada SONYO,

 

  1. Goluhu wuxuu soo saaray qorshaha Magacaabista guddiyo dhalinyaro oo la soco doona Anshaxa doorashada Madaxtooyada oo ka qabsoomi doonta Dalka 13/11/2017 Haddii Alle yidha.

 

  1. Ugu Dambayn Goluhu wuxuu ku baaqayaa Kobcinta iyo kor u qaadista adeegyadda Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo la iska kaashado Dawlad iyo Shiibba gar ahaan Ganacsatadda

ALLAH MAHAD LEH

Guul iyo Gobanimo

Cabdicasiis Siciid Saalax

Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland

 

LEAVE A REPLY