Dooxa Huluuq Ee Magaalada Arabsiyo Oo Xalay Qaaday Gaadhi Rakaab Siday Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay

0
1637

Hargeysa, (HargeisaPress) —Roobabkii xalay ka da’ay gobolada Dalka Somaliland qaarkood ayaa waxay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Waxaana xalay uu dooxa Huluuq ee magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley uu qaaday gaadhi rakaab siday kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Gaadhigan daadku qaaday oo ahaa gawaadhiga yar yar ee loo yaqaan (Maarkituu) isla markaana ahaa gaadiidka rakaabka qaada ayaa uu dooxa Huluuq ee magaalada Arabsiyo qaaday xalay.

Waxaana goobtaasi ku dhintay oo uu Daadku qaadey marxuun Maxamuud Aadan Yuusuf (Ina Cago-wayne) oo ahaa darawalkii gaadhiga,waxaana sidoo kale dhaawac fudud uu soo gaadhay rakaabkii saarnaa oo lasoo badbaadiyay isla markaana isla xalayba la keenay xarunta rugta caafimaadka magaalada Arabsiyo.

Xilli roobaadkan oo kale ayaa waxa badanaa roobabku ay sababaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana badaana soo dhaca dooxyada magaalooyinka kuwaas oo dad iyo gaadiidba qaada,waxaana ay xukuumaddu ku fashilantay inay maaro u yeesho dooxyadan dadka qaadaya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here