FA-ga oo Hoggaaminaya Olole Yurub ku Diidantay in Qadar Lagu Qabto Koobka Adduunka Xilliga Xaggaaga

0
1234

HargeisaPress — Guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda cagta Ingiriiska ayaa hogaaminaya qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub oo raba in koobka adduunka ee Qadar lagu qaban doono 2022-ka aan la qaban waqtiga xaggaaga.

Greg Dyke waxa sheegay ayaa wada olole ay dalalka Yurub ku rabaan in koobka adduunka Qadar la qabto bilaha April iyo May ee 2022-ka, maadaama bilaha June & July uu heer kulka Qadar kor u dhaafo 50 degree.

Daladda ay ku bahoobeen horyaaladda dalalka Yurub, ayaa iclaamisay inay kulan isugu yimaadaan 3-da bisha dambe si ay go’aan midaysan uga qaataan in aan koobka adduunka ee 2022-ka la qaban xaggaaga.

Dalalka Yurub ayaa ka cabsi qaba kulaylka xad-dhaafka ah ee Qadar, hase yeeshee dalkan ayaa ku doodaya inuu diyaarinayo garoomo qaboojiyeyaal leh, awoodna u leeyahay inuu xakameeyo kulka badan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here