Murrashaxa KULMIYE oo gudaha Suuqa Hargeysa Lug Kusoo Maray, Shacabkana la Sheekaystay + SAWIRRO

0
1310

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer indho indhayn oo xaaladda shacabka ugu kuurgelayo kusoo maray kusoo maray suuqyada waaweyn ee caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee maanta, isla markaana la shaaheeyey dadweyne ku sugnaa meheradaha ganacsiga ee badhtamaha suuqa.

Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga katirsan oo ay kamid yihiin aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Xuseen Hinifo iyo xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Md. Mustafe Maxamed Yoonis, ayaa socod lug ah kusoo maray suuqa badhtamaha suuqa Hargeysa, waxana hadallo soo dhaweyn iyo hilow ka muuqda kusoo dhaweeyey shacabka kala duwan ee suuqyada dhex lugaynaya, kuwa meheradaha haysta iyo wadeyaasha gaadiidka kala duwan ee dariiqa isticmaalaya.

Suuqa ku hareeraysan waddada halbawlaha ah ee caasimadda Hargeysa, ayuu murrashax Muuse Biixi si furan ugu dhex lugeeyey, waxana uu midh midh u salaamay boqolaal dadweyne ah oo aragtidiisa u jeellan, isla markaana si buuxda u taageersan oo weji farxadi ka muuqato ku qaabilay, waxana uu kala sheekaystay xaaladda ay ku jiraan.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale fadhiistay, isla markaana shah, sharaaf iyo sheekoba la wadaagay dadweyne ku sugnaa meheradaha Oriental-ka, Damal iyo weliba maqaaxida caanka ah ee diyaaradda badhtamaha suuqa ee Daljirka Dahsoon ku hoos taalla, waxana halkaas kusoo dhaweeyey boqolaal shacab ah oo kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada lugta ah ee uu murrashaxu ugu tegay.

Intaas kadib murrashaxa iyo saraakiisha la socotay waxa ay socod dheer oo lug ah kaga dhaqaaqeen Hutel Damal, iyaga oo u jihaystay dhinaca Hutel Hadhwanaag, waxana intii ay waddada kusii jireen la kulmeen soo dhaweyn ballaadhan oo ay ka heleen shacabka dariiqa maraya, kuwa meheradaha fadhiya iyo weliba kuwa gaadiidka kala duwan ku safay, iyada oo murrashaxa iyo xubnaha la socdayna si farxad leh u qaadeen salaanta iyo soo dhaweynta shacabka ugu timi.

Gudaha Huteel Hadhwanaag, ayey murrashax Muuse Biixi iyo saraakiisha xisbiga ee la socotay gudaha u galeen, waxana si farxad leh usoo dhaweeyey odayaal, dhallinyaro iyo waayeel kale oo gudaha huteelka ku sugnaa, kuwaas oo ay waqti dheer la qaateen.

Dhammaanba shacabkii ku sugnaa gudaha hutel Hadhwanaag, ayaa muujiyey taageero laxaad leh oo ay murrashax Muuse Biixi Cabdi u hayaan, waxana uu si furan ula sheekaystay Odayaal iyo waxgarad goobta ku sugnaa oo ay kaftan dheer wada qaateen.

DAAWO SAWIRADA

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY