Dhaqaale Xumo Soo Food Saartay Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland+Xaruntii Guud Ee Xidhiidhka Ciyaaraha Kala Duwan Oo Dayn Awgeed Loo Qafishay

0
1763
Xarunta Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dhaqaale xumo xoog leh ayaa soo food saartay wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland kadib markii wasiiradda Maaliyaddu ka jartay kharashaad badan oo laf dhabar u ahaa wasaaradda,waxaanay arrintaasi sababtay in gabi ahaanba dayn lagu leeyahay awgeed loo qafisho xafiiskii xidhiidhka ciyaaraha iyo xafiisyadii shaqada ee qaybta ciyaaraha kala duwan ee wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ee lagu shaqaynayay.

Illo-wareedyo u dhuun daloola wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in xafiisyadii ciyaaraha kala duwan ee wasaaradda Ciyaaraha uga kiraysnaa meel u dhaw maxkamadda ama dhismaha wasaaradda Boostaha Somaliland dabadeeda,kiro Sideed Bilood ah oo lagu lahaa  awgeed looga qafishay,isla markaana dadkii gurigaas lahaa ay xayiraad saareen guud ahaan qalabkii iyo agabkii kala duwanaa ee dhex yaalay xafiiska,iyaga oo shuruud uga dhigay inay wasaaraddu bixiso Sideed Bilood oo kiro ah oo ay mulkiilayaasha gurigaasi sheeganayaan,waxaana ay arrintaasi sababtay in ay masuuliyiintii xafiiskani ka hawl gali jirey ay suuqa gaaf wareegaan,iyaga oo loo diiday inay fooda galiyaan xafiisyadoodii oo dadkii lahaa ay dayn ahaan u qafisheen.

Wararka ayaa intaasi ku daray in wasaaraddu tahli kari wayday inay lacagtaasi dabbarto kadib markii ay wasaaradda Maaliyaddu ka jartay wasaaradda Ciyaaraha karashkii yaraa ee xafiisyadaasi lagu maamuli jiray,isla markaana ay raacisay kharashaad door ah oo ay dhawaan si guud wasaaradda Maaliyaddu uga wada jartay hay’addaha iyo wasaaradaha,kadib markii ay si wayn hoos ugu dhacday miisaaniyaddii  dalku.

Waxaanay arrintaasi sababtay inay hay’addo badan iyo wasaarado ay kamid tahay wasaaradda Ciyaaruhu galaan dhaqaale yaraan xoog ah oo sababtay inay xafiisyada uun iska dhex fadhiyaan ee aanay waxba qaban,iyaga oo masuuliyiinta qaar markii ay ka quusteen inay la xaajoodaan wasaaradda Maaliyadda ay isku qanciyeen inay sugaan Bilaha kooban ee ka hadhay doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana iska xamilaan daruufaha adag ee dhaqaale xumo ee gabagabada u noqday xukuumadda KULMIYE.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa si cad u diiday inuu ka hadlo arrintaasi,waxaana uu ku dooday inaanu la xidhiidhno madaxda xafiiskaasi xidhiidhada ciyaaraha,isaga oo sheegay in iyagu ay u qaabilsan yihiin arrintaasi waxaana hadalkiisa kamid ahaa.

“Xidhiidhada ciyaaruhu way kala duwan yihiin oo madax ayay leeyihiin,waa kuwa joogee iyaga waraysta,annagu xafiiskooda kama shaqayno,iyaguna kaayaga kama shaqeeyaan,anagu garan mayno arrintaasi ee iyaga ka waraysta,way u madax banaan yihiin inay ka hadlaane,iyaga waydiiya oo ka waraysta”sidaas ayuu agaasime Dhabbeeye kusoo koobay su’aalo dhawr ah oo wargeyska Foore ka waydiiyay xafiiska xidhiidhka ciyaaraha ee wasaaradda Ciyaaraha ee daynta awgeed loo qafishay.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan isaga laftiisa isku daynay inaan khadka telefoonka kula xidhiidhno si aan wax uga waydiino arrinkan ayaanay suurtogalin telefoonkiisa gacanta oo nagu qaban waayay awgii.

Foore

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY