Kabtankii Xulka Kubbadda Cagta Koonfur Afrika ee Senzo Meyiwa oo Toogasho Lagu Dilay

0
1425

HargeisaPress — Goolhayaha xulka kubbadda cagta Koonfur Afrika Mr. Senzo Meyiwa ayay toogasho ku dileen dablayn hubaysan oo aan ilaa hadda haybtooda la qoonsan, kuwaasoo gurigiisa ugu dhacay xilli habeenimo ah.

27 jirkan ayay booliska sheegeen inay laba nin u dhaceen isagoo gurigiisa jooga, isla markaana khaarajiyeen deedna baxsadeen, balse ay ku baadi joogaan gacan ku dhiiglayaasha, sharcigana hor keeni doonaan.

Xulka kubbadda cagta Koonfur Afrika Mr. Senzo Meyiwa
Xulka kubbadda cagta Koonfur Afrika Mr. Senzo Meyiwa

Meyiwa oo ka tirsanaa naadiga Orlando Pirates ayaa sidoo kale ahaa kabtanka xulka qaranka Koonfur Afrika, hase yeeshee ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay dilka iyo cid loo tuhunsan yahay midkoodna.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here